Taariikh: Soomaalida Norway oo ugu danbeyn xildhibaan yeelan doono.

0
178
Foto: Stortinget.no

Xisbiga SV, laantiisa magaalada Oslo oo shirweyne guud lahaa isniintii aan soo dhaafnay ayaa soo saaray liiska musharaxiinta xisbiga SV uga tartami doono magaalada Oslo, marka la gaaro doorashada baarlamaanka ee dhici doonto September sanadka danbe ee 2021.

Waxaana booska labaad ee musharaxiinta baarlamaanka Norway ee xisbiga SV uga tartami doono Oslo, loo codeeyay inay gasho Maryan Cabdi Xuseen oo ah siyaasi soomaali ah.

Iyada oo laga saadaal qaadanayo tirokoobyo kala duwan, Musharaxa booska labaad ee xisbiga SV ee magaalada Oslo ayaa ah mid la hubo(sikkerplass), in qofka la galiyo uu si toos ah sanadka danbe uga mid noqon doono baarlamaanka Norway. Taas oo ka dhigan in la hubo in Maryan Cabdi Xuseen ay sanadka danbe kamid noqon doonto xildhibaanada baarlamaanka Norway.

Maryan ayaa mar kale dhigi doonto taariikho cusub oo iyada u gaar ah, maadaama ay noqon doonto qofkii ugu horeeyey ee soomaali ah ee abid kamid noqdo baarlamaanka Norway. Sidoo kalena gabadhii ugu horeysay ee iyada oo xijaab xiran gasha ama kamid noqoto golaha shacabka dalkan Norway.

Soomaalida Norway oo ah qawmiyada sadexaad ee ajaaniibta ah ee ugu badan Norway, ayaa ugu danbeyn sanado badan oo abaaro ah kadib, heli doono qofkii ugu horeeyey ee asal ahaan soomaali ah oo gala baarlamaanka Norway.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments