Duqa Skien: Xanuunka Corona wuxuu si gaar ah ugu dhex faafay soomaalida

0
157
Duqa magaalada Skien, Hedda Foss Five Foto: Privat- Paqle.no

Magaalooyinka Skien, Porsgrun iyo Bamble waxaa maalmihii ugu danbeeyay si aad ah kor ugu kacay tirada dadka laga helay xanuunka Corona, waxaana jiro xaalad cusub oo deegaamadaas ka taagan, iyada oo laga cabsi qabo in tiradu ay sii kororto xiliga fasaxa «jul-ka» kahor.

Maanta waxaa si wadajir ah shir jaraa´id oo fogaan arag ah(Digital) u qabtay masuuliyiinta degmooyinkaas, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladdihii ugu danbeeyay, iyo tirooyinka dadka laga helay xanuunka.

Riix sawirka

Duqa Skien: Soomaalida ayuu ku dhex faafay si gaar ah.

Duqa magaalada Hedda Foss Five oo kamid aheyd masuuliyiinta shirka jaraa´id qabatay ayaa si gaar ah farta ugu fiiqday bulshooyinka ajaaniibta ah, gaar ahaana soomaalida. Waxeyna sheegtay in faafitaanka xanuunka ee soomaalida dhexdeeda kasoo bilowday uu ku fiday goobaha shaqada iyo iskuulada.

Iyada oo raacisay in tirada dadka soomaalida ah ee xanuunka laga helay ay aad u badantahay, marka loo fiiriyo tirada ay soomaalidu magaalada ku degantahay. Waxeyna carabowday in caruurta ay xanuunka geeyaan iskuulada, sidoo kalena dadka waaweyn ee ka shaqeeyo goobaha dadweynaha ay xanuunka sii qaadsiin karaan dadka kale.

Duqa magaalada Skien ayaa sheegtay in degmadu ay sameysay gudiyo gaar ah oo si hoose ula socdo xaaladda cusub ee xanuunka, gaar ahaan bulshooyinka ajaaniibta ah.

Xigasho/kilde: Ordfører: Utbrudd i somalisk miljø, sprer seg til skoler og jobb.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments