Xiligii wiilkan Norway laga saari lahaa oo dib loo dhigay.

0
106
Mustafa Hassan Foto: Mustafamusic.no

Isbuucyadii ugu danbeeyay waxaa warbaahinta Norway iyo baraha bulshada aad looga hadalhayay sheekada Mustafa Hassan oo ah wiil 18 sano jir ah, kaas oo ay heyádda qoxootiga Norway ay ku amartay inuu dalka isaga baxo.

Wiilkan oo 6 sano jir ahaa markii Norway la keenay, ayaa 12-kii sano ee ugu danbeeyay kunoolaa Norway, wuxuuna la socday hooyadii oo wadanka laga celiyay. Danbiga Mustafa hada loo tarxiilayo ayaa ah danbi uusan asagu galin shaqsi ahaan, balse ay Hooyadii gashay markii ay wadanka imaaneysay. Waxeyna sheegatay inay kasoo jeedo dalka Falastiin, halka markii danbe ay soo baxday inay kasoo jeedo wadanka Urdun. Halkan kasii akhri sheekadiisa.

Riix sawirka

Xili cusub: 28 January.

Hey´addaha qoxootiga ayaa markii hore wiilkan 18-sano jirka ah ku amray inuu ugu danbeyn wadanka uga baxo 28 bishan Desember, balse UDI-da ayaa hadana wiilka siisay 20 maalmood oo dheeri ah. Waxaana hada xiliga kama dambeysta ah ee loo qabtay inuu wadanka isaga baxo laga dhigay 18-january.

Sheekadda Mustafa Hassan ayaa noqotay mid caro xoogan ka dhalisay barraha bulshada, waxaana idaacaddaha kasoo muuqday dad caan ah sida siyaasiyiin, Fanaanyaal iyo ciyaaryahano kuwaas oo wiilkan taageersan, dalbanayana inaan la tarxiilin oo fursad cusub la siiyo.

Xigasho/kilde: Utreisefristen utsatt til 18. januar for Mustafa Hasan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments