fredag, april 19, 2024

Keshvari oo hadana xabsi kale lagu xukumay.

Maxkamada magaalada Oslo ayaa Mezyar Keshvari oo horey u ahaan jiray xildhibaan katirsan baarlamaanka ah Norway, ku xukuntay afar bilood oo xabsi ah. Kadib markii lagu helay danbi ah inuu biskoolad ugu hanjabay saaxiibtiisii hore.

Keshvari ayaa lagu eedeeyay inuu hanjabaado kala duwan u jeediyay haweenay ay saaxiibo ahaayeen, isaga oo hanjabaado badan u jeediyay isaga oo adeegsanayo biskoolad.

Riix sawirka

Xukunkan ayaa noqonayo kii labaad oo maxkamad ay ku xukunto Keshvari oo horey u ahaan jiray afhayeenkii arrimaha ajaaniibta ee xisbiga Frp. Maxkamada Follo ayaa bil kahor Keshvari ku xukuntay 11 bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi la xiriiray in Keshvari uu baarlamaanka Norway ka dhacay lacag gaareyso 450.000 kr. Halkan kasii akhri.

Xigasho/kilde: Mazyar Keshvari dømt til fengsel i fire måneder for våpentrusler mot eks-samboeren.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x