Waxaa lagu eedeeyay inuu 760.000 NAV ka dhacay: 9 bilood oo xabsi ah

0
104
Danny Chaudhry Foto: Youtube-

Maxkamada Oslo ayaa maanta 9 bilood oo xabsi ah ku xukuntay siyaasi Danny Chaudhry oo katirsan golaha deegaanka ee magaalada Oslo.

Siyaasigan xisbi-laawaha ah(si madax banaan uga tirsan golaha deegaanka Oslo) ayaa lagu eedeeyay in mudadii u dhaxeysay 2014 ilaa 2016 uu si khiyaano ah nav uga qaadanayay lacagaha howlgabka, lacagaha dadka xanuun dartiis u shaqeyn iyo waliba lacagta caruurta, isaga oo isla xiligaas ka shaqeynayay iskuul lagu barto baabuur-wadista oo uu isagu leeyahay.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu isku dar NAV ka khiyaanay lacag gaareyso 762.000 kr, isaga oo xiliga uu lacagta ka qaadanayay NAV ka shaqeynayay shirkad uu isagu gaar u leeyahay oo mushaar siin jirtay.

Go´aanka xukunka maxkamada Oslo ee sagaalka bilood ah ayaa lagu sheegay in ninkan siyaasiga ah uu lacagtaas qaadanayay isaga oo og inuusan xaq u laheyn, uusana heyá ddaha dowlada usoo gudbin macluumaadka ku saabsanaa inuu mushaar ka qaadan jiray shaqadiisa.

Danny Chaudhry ayaa qirtay maxkamada horteeda ka qirtay danbiga lagu soo eedeeyay, balse waxaa ka horeeyay labo wareysi oo boolisku ay horey ula yeesheen, kuwaas oo ay isaga fogeeyay danbiga lagu soo oogay.

Siyaasigan oo asal ahaan Pakistani ah ayaa kamid ah siyaasiyiinta ugu xisbi badalasho badnaa Norway, wuxuuna isku soo wada maray, xisbiyada Frp, Vestre iyo Sp.

Qareenka siyaasigan ayaa sheegay inay ka fiirsan doono waxa ay ka yeeli doonaan xukunka maxkamada.

Xigasho/kilde: Bystyrepolitiker i Oslo dømt til ni måneders fengsel for grov Nav-svindel.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments