Sarpsborg: Masaajidkii la dacweeyay oo danbi lagu waayay.

0
80
Duqa magaalada Sarsborg:Sindre Martinsen-Evje. Foto: Skjermdump/tv2

Degmada Sarpsborg ee gobolka Viken ayaa 2 bilood kahor dacwad ka gudbiyay masaajidka Al-Ghadir Islamsk senter oo lagu eedeeyay inuu jabiyay sharciga Corona, kadib markii kulan masaajidka ka dhacay uu sababay in xanuunka Corona laga helay dad gaaraya 200 qof. Halkan kasii akhri.

Kulanka masaajidka ka dhacayay ayaa ahaa dabaaldega maalmaha Caashuura oo ay u dabaaldagaan muslimiinta shiicada ah.

Booliska oo baaritaan ku sameeyay kiiska ku saabsan in masaajidku uu jabiyay sharciga Corona iyo inkale, ayaa baaritaan kadib sheegay ineysan jirin wax muujinayo in masaajidku uu jabiyay xeerka kahortaga faafitaanka Corona.

Warbixinta booliska ayaa lagu sheegay in kulanka masaajidka ka dhacay ay sugnaayeen isku dar 140 qof, halka tirada ugu badan ee xiligaas la ogolaa inay hal meel wada joogi karaan ay aheyd 200 qof. Waxeyna sheegeen in dadka kulanka joogay loo qeybiyay qeyb-qey, lana sameeyay dhamaan talaabooyinkii loo baahnaa, si looga hortago faafitaanka xanuunka. Sidaas darteedna uusan masaajidku sameyn wax danbi ah oo arintaas la xiriira.

Xigasho/kilde: Politiet henlegger saken mot Al-Ghadir Islamsk senter i Østfold.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments