mandag, mars 18, 2024

(Hargeysa): R.W Solberg: Aabaheen gurigiisa haku soo celiso.

Warbaahinta dalkan Norway ayaa maalmihii lasoo dhaafay si aad ah u hadalheysay kiiska Saad Jider Hayd oo ah muwaadin asal ahaan soomaali ah, balse heysta dhalashada dalkan Norway, kaas oo maxkamad kutaal magaalada Hargeysa ee Somaliland ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Saad ayaa lagu eedeeyay inuu dilay nin kale oo gacan qaad uu dhexmaray, balse qareenada u doodayo Sacad ee Norwiijiga iyo soomaalida isugu jiro ayaa si cad u beeniyay in Saad uu falkaas dilka ah geystay. Waxeyna sheegeen in xukunka lagu xukumay uu yahay mid cadaalad daro ah, oo aan xaq aheyn, iyaga oo racfaan u diray maxkamada sare ee Somaliland, Sidoo kale dalabyo kala duwan u diray wasaaradda arrimaha dibadda Norway iyo tan Somaliland.

Wiilashiisa: Aabaheen Gurigiisa kusoo celi.

Sida uu qoray TV2, Saad Jider Hayd oo 25 sano degenaa dalkan Norway ayaa waxaa Norway u degan 7 caruur ah oo uu dhalay, iyo 8 caruur ah oo uu awoowe u yahay. Mid kamid ah wiilashiisa oo lagu magacaabo Mustafa Hayd ayaa ah jilaa iyo madadaaliye caan ah oo marar badan kasoo muuqday NRK, gaar ahaan barnaamijka Svart humor.

Wiilasha uu dhalay muwaadinka lagu xukumay dilka toogashada ah, ayaa maanta la hadlay warbaahinta Norway. Waxeyna codsadeen in dowlada Norway iyo reysulwasaare Erna Solberg ay soo faragaliso kiiska aabahood oo cadaalad daro lagu xukumay, ayna kusoo celiso gurigiisa oo Norway ah. Iyaga oo sheegay inay cabsi weyn ka qabaan in aabahood lagu fuliyo dil toogasho ah oo xabad loo adeegsaday, hadii aysan dowlada Norway soo farogain.

Qoyska Saad ayaa dowlada Norway ka dalbaday inay ku dadaasho sidii wax looga qaban lahaa kiiska Saad oo ah muwaadin Norwiiji ah, waxeyna codsi toos ah u direen xafiiska reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg. TV2 ayaa xiriir la sameeyay xafiiska reysulwasaaraha, si ay wax uga weydiiyaan kiiskan iyo waxa ay ka qaban doonto dowladu, balse jawaab kama aysan helin wali.

Xildhibaan Petter Eide: Saad cadaalad ma uusan helin.

Xildhibaan Petter Eide oo kamid xildhibaanada baarlamaanka Norway ee xisbiga SV, ayaa NRK u sheegay in dowlada Norway ay ka gaabisay kiiska Saad oo ah muwaadin Norwiiji ah, uusa helin gacantii caawineed oo uga baahnaa dowlada Norway. Isaga oo tusaale usoo qaatay sidii ay dowlada Norway isugu howshay, waqtina u galisay soo sii deynta Joshua French iyo Tjostolv Moland oo labo nin oo Norwiiji oo maxkamad kutaal dalka Kongo ay dil ku xukuntay.

Xildhibaan Petter oo kamid ah gudiga cadaalada ee baarlamaanka Norway ayaa sheegay inuu dareensanyahay in wasaaradda arrimaha dibadda Norway ay dayacday kiiskan, uuna hada uga fadhiyo inay si toos ah u howlgalaan, kiiskiisana ay shaqo ka qabtaan.

Xigasho/kilde: NRK: Sønnene til dødsdømt norsk statsborger: – Erna Solberg, hent far hjem!.

Xigasho/kilde: TV2: Jeg håper bare på å få se pappa igjen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x