Solberg: Guryaha jooga, safarka laga maarmi karana ka baaqda.

0
134
Foto: Regjeringen.no

Reysulwasaaraha Norway dalkan Norway, Erna Solberg oo maanta shir jaraa´id qabatay ayaa dadweynaha Norway ugu baaqday inay yareeyaan socodka laga maarmi karo, ayna inta ugu badan ku sugnaadaan guryahooda. Reysulwasaaraha ayaa walaac xoogan ka muujisay tirada sii kordheysa ee dadka laga helayo xanuunka Corona, iyada oo soo bandhigtay talaabooyinka dowlada ee ku aadan xakameynta faafitaanka xanuunka.

Reysulwasaaraha ayaa sheegtay in isbuucii ugu danbeeyay xanuunka Corona laga helay ilaa 6000 qof Norway, gudaheeda. Waxeyna sheegtay in dowladu aysan wali lumin xakameynta xanuunka, balse ay ka cabsi qabto in hadii tiradu ay sii kororto, ay hey´addaha caafimaadku lumiyaan awooda wax ka qabashada dadka uu soo rito xanuunka.

Waxeyna dadweynaha ugu baaqday inay yareeyaan dhaq-dhaqaada, isku taga iyo wada-joogitaanka, si loo xakameeyo faafitaanka xanuunka. Reysulwasaaraha ayaa dhanka kale soo bandhigtay awaamiirta cusub ee dowlada, waxaa kamid ah:

  1. Waxey dadweynaha kula talisay in isbuucyada soo socdo ay guryahooda joogaan, inta ugu badan.
  2. Waxey dadweynaha kula talisay inaysan shan qof ka badan ku joogin guryaha. Shan qof oo ka baxsan qoyska guriga degan.
  3. Ka fogow safarka wadanka gudahiisa ah ee laga maarmi karo.

Xigasho/kilde: Erna Solberg ber nordmenn holde seg hjemme.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments