Doorashadii Mareykanka oo aan wali lagu kala bixin.

0
124
Trump

Qofna wali kuma guuleysan doorashadi madaxtinimo ee Talaadadi ka dhacday dalkan Mareykanka, sababo la xiriira tirinta codadka lagu soo diray boostada oo wali ka socoto ilaa shan gobol oo aad muhiim u ah.

Madaxweyne Trump iyo musharraxa xisbiga dimoqraadiga Joe Biden ayaa labaduba guulo ka gaaray gobolladi la filayay in ay ku kala badiyaan, laakin waxaan aanan la kala ogaan oo ay musharraxiitana aad isugu dhaw yihiin shan gobol oo laba ama saddex ka mid ahi go’aan ka gaari doona natiijada doorashada ugu danbeyn caawa ama Jimcaha berrito ah.

Gobollada Georgia iyo Pennsylvania oo dhaca dhinaca bari, iyo Arizona iyo Nevada oo galbeed ku yaalla, ayay saraakiishu wali tiranayaan malaayiin codad ah oo isugu jiro kuwo boosto lagu soo diray iyo qaar ay dadka horay u sii dhiibteen inti aanan lasoo gaarin maalinti Talaadada.

Trump ayaa hogaaminaya Georgia iyo Pennsylvania halka Biden uu hogaaminayo gobollada Arizona iyo Nevada, laakin wali ma cadda guuleystaha rasmiga ah oo doorashada.

Waxyar kaddib marki uu xaqiijiyay inuu guulo ka keenay gobollada Wisconsin iyo Mishigan, ayuu musharraxa xisbiga Dimoqraadiga, Joe Biden xalay taageerayaashiisa u sheegay, in marka ay dhamaato tirinta codadka, uu ku kalsoonyahay inuu noqon doono madaxweynaha soo socda ee shacabka Mareykanka.

Laakin madaxweyne Trump ayaa shaki ka muujiyay qaabka loo tiriyay codadka gobollada muhiimka ah ee uu shalay ku guuleystay Biden iyo kuwa uu hadda hogaaminayo, isaga oo codsaday in dib loo tiriyo, halka uu maxkamadda sare ka codsaday in ay hakiso tirinta codadka ee gobolka Pennslvania.

Wixi warar ah ee kusoo kordha doorashada madaxtinimada, dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: VOA-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments