Solberg: Ajaaniibta yaan lagu ceebeyn faafitaanka xanuunka Corona.

0
128
Foto: regjeringen.no/skjermdupm

Jon Helgheim oo ah siyaasi katirsan xisbiga Frp ayaa jimcihii sheegay in bulshooyinka ajaaniibta aysan isku mashquulin faafitaanka xanuunka Coronavirus, isaga oo tusaale usoo qaatay in 34% dadka xanuunka laga helay maalmihii ka horeeyay maalinta uu hadlay ay ahaayeen dad asal ahaan ajaaniib ah.

Helg oo kamid ah siyaasiyiinta hadalka qalafsan ee Frp ayaa si qeyb ah oo cad dadka ajaaniibta dusha uga saaray faafitaanka xanuunka Corona, wuxuuna ku eedeeyay inay danba ka laheen faafitaanka xanuunka.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg oo ka jawaabeyso hadalka siyaasiga katirsan Frp ayaa sheegtay in fikirkaas aysan ku raacsaneyn, iyada oo sheegtay inay la kulantay badan matala ururo badan oo ajaaniib ah, kuwaas oo si adag uga shaqeynayo xakameynta faafitaanka xanuunka. Waxeyna sheegtay inay ka ogaatay dadkaas in xanuunkaas si dhab looga shaqeynayo gudaha bulshooyinka ajaaniibta

Solberg ayaa dhanka kale ka digtay in bulshooyinka ajaaniibta ah lagu eedeeyo ama lagu dhaleeceeyo xanuunka, waxeyna sheegtay in arrintaas ay keeni karto in dhibaatadu inta ay hada gaarsiisasantahay ay kasii darto.

Reysulwasaaraha ayaa raacisay in xanuunku uu yahay mid qof walba ku dhici kara, isaga oo aan ka warqabin, sidaas darteed waxey ka digtay in xanuun ama cudur la isku dhaleeceeyo ama farta la isugu muuqo. Iyada oo raacisay inay heshay warbixin sheegeyso in Swedishka, Polisha iyo shaqaalaha dukaamadu ay yihiin dadka ugu badan ee la kulmayo daquuqa la xiriira Coronavirus.

Xigasho/kilde: Innvandrere opplever smitte-hets.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments