Hooyadii ku eedeysneyd dilka ilmaheeda oo qiratay qeybo kamid ah danbiga.

0
68

Hooyo 30-meeyo jir ah oo kunooleyd deegaanka Lørenskog, ayaa bishii July ee sanadkan xabsiga la dhigay, kadib markii gurigii ay ku nooleyd laga helay meydka labo caruur ah oo ay dhashay. Waxaana lagu eedeeyay inay iyadu ka danbeyso dilkooda. Halkan kasii akhri

Haweeneydan ayaa isku dayday inay bilowgii hore aabaha caruurta dhalay dusha ka saarto danbiga dilkooda, waxeyna boolisku markii hore xabsiga dhigeen aabaha dhalay labada caruurta ah ee la dilay. Balse baaritaan iyo wareysiyo kadib, booliska ayaa xabsiga dhigay hooyada, waxeyna sii daayeen aabihii ay markii hore sida qaldan usoo xireen.

Booliska ayaa baaritaanka lagu sameeyay meydka ilmaha la dilay ku sheegay inay u dhinteen ceejin, waxeyna hooyada dhashay ilmaha kusoo oogeen dacwad la xiriirta dilka ilmaheeda.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale magacowday khuburo baaritaan ku sameysay caafimaadka maskaxeed iyo miyir qabka haweeneyda danbiga geysatay, waxeyna isku raaceen in xiliga uu falkan dhacay uu myirkeeda joogay ama ay maskax ahaan caafimaad qabtay.

Sida uu qoray wargeyska Romerikets blad, hooyadan ayaa hada qiratay qeybo kamid ah danbiga lagu soo eedeeyay oo ah dilka ilmaheeda ah, inkasta oo ay boolisku sheegeen inay wali si faah-faahsan uga hadlin qaabka ay wax u dhaceen.

Marka laga tago danbiga dilka ah, waxaa hooyadan lagu eedeeyay labo danbi oo kala ah inay khiyaano ku sameysay lacagta caruurta ay dhashay, iyo inay booliska u sheegtay danbi been ah, kadib markii aabaha dhalay caruurta ay dusha u saartay danbiga dilkooda.

Xigasho/kilde: RAPSSIKTET MOR I LØRENSKOG ERKJENNER FAKTISKE FORHOLD.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments