Qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah oo Bergen Corona ugu geeriyooday.

0
129

Waxaa Allah ha u naxariistee magaalada Bergen ee dalkan Norway ku geeriyooday marxuumkii ugu horeeyay oo soomaali ah, kaas oo inta la ogyahay u geeriyooda xanuunka safmarka ah ee Corona, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiinta jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Bergen.

Marxuum Cumar Warsame Samatar oo kamid ahaa odoyaasha iyo waxgaradka magaalada Bergen ayaa u geeriyooday xanuunka Covid-19, waxaana shaley lagu aasay qabuuraha Sund oo ah deegaan magaalada Bergen u jira qiyaastii 40 KM. Wuxuuna marxuumku ku geeriyooday isbitaalka Haukeland ee magaalada Bergen.

Magaalada Bergen ayaa xiligan kamid ah meelaha uu xanuunka Coronavirus saameynta xoogan ku yeeshay, gaar ahaana bulshooyinka ajaaniibta ah oo ay soomaalidu kamid tahay. Sida ay muujinayaan tirokoobka ay sameyso FHI, Soomaalida ugu badan ee xanuunka laga helay bishan November ayaa degan magaalooyinka Bergen, Fredriksat, Skien iyo Gjøvik.

Wareegii koowaad ee xanuunka Covid-19, waxaa inta la ogyahay xanuunka u geeriyooday ilaa 5 qof oo soomaali ah, kuwaas oo intooda badan ku noolaa gobolka Oslo iyo gobolka Viken. Halkan ka akhri: aaska warkii marxuumkii ugu horeeyay ee soomaali ah oo Norway ugu geeriyooda xanuunka Corona.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments