PST oo Norway ka tarxiileyso wadaad jaajuusnimo lagu eedeeyay.

0
223
Wadaadka la eedeeyay. Foto: Privat.

Sida uu qoray NRK, hey´adda sirdoonka Norway(PST) ayaa rabta in Norway laga tarxiilo wadaad Iiraani ah oo imaan ka ah masaajidka Tveita ee Imaam Ali. PST ayaa aaminsan in sirdoonka dowlada Iran ay masaajidada u adeegsadaan goobo laga helo xogaha sirdoon ee muwaadiniinta u dhashay dalka Iran ee mucaaradka ku ah dowlada dalkaas.

Wadaadkan u dhashay dalka Iran ayaa sharci imaamnimo ku joogo Norway. Qareenka wadaadka oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay eeda wadaadka loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay inaysan jirin sabab sharci ah oo dalka looga saari karo.

Hanne Blomborg oo ah madaxa kahortaga ee laanta sirdoonka Norway, ayaa diiday inay jawaab sax ah ka bixiso in wadaad ay rabaan in la tarxiilo uu toos ugu shakeeyo sirdoonka Iran iyo inkale. Balse waxey sheegtay inay aaminsanyihiin in sirdoonka dowlada Iran ay goobaha masaajidada ah ee kuyaal Yurub ka uruuriyaan xogaha shaqsiyaadka iyo dowladaha dalalka ay masaajidaas ku yaalaan.

Xigasho/kilde: Tveita-moske: PST vil utvise iransk imam.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments