Soomaalida oo booska 2-aad kaga jirto ajaaniibta ugu badan ee Corona laga helay.

0
130

Waxaa isbuucyadii ugu danbeeyay dalkan Norway aad usoo badaneyso tirada guud ee dadka laga helayo xanuunka Covid-19 oo hada lagu jiro mawjadiisii labaad. Magaalooyinka Oslo iyo Bergen ayaa ah meelaha ugu badan ee dadka xanuunka laga helay ay kunoolyihiin.

Isbuucyadii ugu danbeeyay, waxaa sku celcelis maalin walba Norway laga diiwaangaliyaa, 500 ilaa 700 qof oo xanuunka Corona laga helay.

Ajaaniibta oo aad ugu badan marjan:

Mid kamid ah waxyaabaha aadka loo hadalhayo soo noqoshada xanuunka Corona ee Norway, ayaa ah in tirada dadka ajaaniibta ah ay aad ugu badanyihiin dadka Norwiijiga ah ee xanuunka laga helay, marka la fiiriyo tirada ay wadanka ka yihiin boqoley ahaan(%-Prosent).

Dadka kasoo jeedo Poland ayaa ah guruubka ajaaniibta ee maalmahan warbaahintu ayaad u hadalheysay, kadib markii isbuucyadii tagay dad gaarayo 704 qof oo Poolish ah laga helay xanuunka Corona, Norway gudaheeda. Sababta ugu badan ee arrintan lala xiriirinayo ayaa ah in dadka Poolishka ah oo badankood qaab shaqo Norway kusoo galo, ay xiriir toos ah la leeyihiin dalkooda Poland, ayna ku tagaan safaro joogto ah. Isku dar waxaa xanuunka Corona laga helay 1 083 qof oo Poolish ah, Norway gudaheeda.

Poland ayaana kamid ah meelaha uu xanuunka Covid-19 aad ugu faafay qaarada Yurub.

Dowlada Norway ayaa waajib ka dhigtay in dhamaan dadka kasoo galayo Poland iyo dalalka kale ee xanuunku uu ku faafay ay Garoonka diyaaradaha isaga qaadaan baaritaanka Corona, ama ay keenaan cadeynta inay iska soo baareen Corona kahor inta aysan Norway usoo safrin.

Soomaalida: Booska labaad.

Marka aad fiiriso tirada guud ee dadka ajaaniibta ah ee xanuunka laga helay tan iyo bilowgii bishii Maarso, soomaalida ayaa kujirto booska labaad ee qawmiyadaha ajaaniibta ah ee ugu badan ee laga helay xanuunka Corona. Waxaana isku dar xanuunka laga helay 683 qof oo soomaali ah. Booska sadexaad waxaa kujiro Pakistanta.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa jimcihii lasoo dhaafay shir isugu yeertay ururada ajaaniibta iyo hey´addaha caafimaadka, waxeyna weydiisatay talo ku aadan qaabka ay dowladu uga shaqeyn karto kahortaga faafitaanka xanuunka ee dadka ajaaniibta ah.

Xigasho/kilde: Nå topper minoritetsbefolkningen og arbeidsinnvandrere smittestatistikken i Norge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments