Paris ayuu u safray, si uu Kitaab quraan ah u gubo: Xabsi iyo Tarxiil.

0
109
Rasmus Paludan Foto: TV2-DENMARK

Gudoomiyaha xisbiga xagjirka Stram Kurs ee dalka Denmark, Rasmus Paludan, ayaa lagu xiray Caasimada Dalka Faransiiska ee Paris. Sidaas waxa xaqiijiyey safaaradda Denmark ee dalka Faransiiska.

Paludan oo kamid ah siyaasiyiinta xagjirka ah ee Denmark ayaa la xiray isagoo qorsheynaya inuu ku gubo Quraanka Kariimka ku gubo bartamaha Paris. Booliska Faransiiska oo ka warhelay arrintaas ayaa xabsiga dhigay ninkan, waxaana loo tarxiilay dalka Denmark, isaga oo lagu xukumay in mudo sanad ah uusan soo gali karin dalka aransiiska.

Sida laga soo xigtay TV2, Le Point ayaa qoray in Rasmus Paludan uu ku jiro liiska argagixisada Faransiiska.

Dalka Belgiumka ayaa ninkan sidaas oo uga soo tarxiilay dalkooda, kadib markii uu qorsheystay inuu gubo kitaab quraan.

Sida ay qortay BBC-da, shan ka mid ah taageerayaasha Paludan ayaa iyagana laga soo tarxiilay dalka Belgium.

Xigasho/kilde: Dansk politiker er pågrepet i Paris.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments