Ilhaan Cumar oo ninkeeda shaqo la´aan dhigtay.

0
106
Foto: BBC-SOMALI

Warbaahinta reer dalalka Galbeedka ayaa si aad ah u hadal haya sheeko ku saabsan in Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, ay xiriirkii shaqo u jartay shirkadda la talinta dhinaca siyaasadda ee uu leeyahay seygeeda.

Ilhaan, oo dhawaan mar kale ku guuleysatay xubinnimada Golaha Congress-ka ee ay ku matasho gobolka ay Soomaalida ku badan yihiin ee Minnesota, ayaa Axaddii ku dhawaaqday go’aanka ay xiriirka dhaqaale ugu jartay shirkadda E Street Group, oo uu leeyahay seygeeda Tim Mynett, sida ay wargeysyo kala duwan xuseen.

Wakaaladda wararka ee Associated Press oo ka mid ah warbaahinta wax ka qoray sheekadan ayaa sheegtay in Ilhaan ay go’aankaas u sababeysay si ay taageerayaasheeda ugu caddeyso in aysan jirin arrin gaar ah oo kala dhaxeysa shirkaddaas.

Email ay Ilhaan Cumar u dirtay taageerayasheeda ayaa erayada ku qoran waxaa ka mid ahaa: «Waxaan go’aansannay inaan baabi’inno qandaraaskii aan kula jirtay shirkadda Tim iyo Will. Halka taageerayaal badan oo aan isu dhownahay, si fiicanna u yaqaanna labadaas ay soo jeedinayaan inaan la sii wadno wada shaqeynta – Anigu waxaan doonayaa inaan qof walba oo taageersan ololaheenna, waqti iyo dhaqaalena ku bixiya u xaqiijiyo inaysan jirin cillad ku jirta taageeradaas.»

Wararka ayaa intaas ku daraya in ololaha Ilhaan uu sidaas kusoo afjaray wadashaqeyntii uu la lahaa E Street Group kaddib markii ay kala qeybsadeen lacag ku dhow $3 milyan oo doolar.

Ololaha Ilhaan ayaa ahaa macmiilka ugu weyn ee shirkadda Tim Mynett, wuxuuna soo tabiyay inuu sanadkan gidihiisa oo kaliya shirkaddan siiyay ilaa $1.1 milyan oo doolar, oo loogu sameeyay xayeysiimo iyo la talin dhinaca siyaasadda ah.

Warbaahinta qaar ayaa shaacisay in ilaa bishii July ee sanadkii 2019-kii uu ololaha Ilhaan shirkadda Tim siiyay lacag ku dhow $2.8 milyan oo doorarka Mareykanka ah.

Email-ka ay Ilhaan u dirtay taageerayaasheeda ayey ku sheegtay in aysan goor hore xiriirka u jarin shirkadda ninkeeda, maadaa ay isticmaashay dhaqaalaheedii, siyaasiyiintii kula tartamayay doorashada guudna ay isu baheysteen.

Ilhaan Cumar ayaa bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay guursatay la taliyaheedii dhinaca siyaasadda, Tum Mynett, markaasoo ay shirkaddiisana isbahaysi la sameysatay.

Arrintaas ayaa durba dhalisay dood xoog leh iyo cabasho ay dad iyada kasoo horjeeda u gudbiyeen Guddiga Doorashada ee Federaalka. Waxay ku eedeeyeen in safarro shakhsi ahaaneed oo uu Mr Mynett galay lagu maareeyay dhaqaalaha loogu talagalay ololaha doorashada.

Hase ahaatee Guddiga Doorashada ee Federaalka wax tallaabo ah kama uusan qaadin.

Ilhaan ayaa dhankeeda sheegtay in lacagta uu isticmaalay Tim ay ahayd mid sharciga waafaqsan. Waxay intaas ku dartay in dhaqaalahaas ay isticmaaleen dad ka badan hal qof.

Barteeda Twitter-ka ayey xilligaas kusoo qortay: «Doolar kasta oo la isticmaalay wuxuu ku baxay koox ka bada 20 qof oo wadajir ah, kuwaasoo naga caawinaya dagaalka aan uga hortageyno weerarrada nagu socda iyo dadaalladeenna dhulka iyo kuwa online-ka ee aan kula dagaallameyno Covid-19.»

Xigasho/kilde: BBCSOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments