Oslo: Haweenay lagu maxkamadeynayo inay shaqada timid, iyada oo Karantiil la galiyay.

0
84
Oslo Tingrett Foto: Wikipedia

Haweenay ku shaqeyso xoghaye caafimaad ah(Helsesekretær), ayaa maxkamad lagu soo taagayaa magaalada Oslo, kadib markii lagu eedeeyay inay jabisay sharciga ka hortaga xanuunada faafa. Haweeneydan ayaa lagu amray inay karantiil gasho, kadib markii ay kasoo noqotay safar dibadda ah, balse waxey timid goobteeda shaqada oo ah xarun caafimaad.

Haweeneydan ayaa bishii Maarso dhexdeeda kasoo noqotay safar dibadda ah, waxaana lagu wargaliyay inay gasho 14 maalmood oo karantiil ah. Balse waxey timid goobteeda shaqada oo ah xarun caafimaad oo kutaal bartamaha Oslo, iyada oo kula kulantay, xiriir toos ahna la sameysay dad bukaano kala duwan, oo ay kujiraan dad xanuunsanoo u nugul waxyeelada xanuunka Corona. Waxeyna qaarkood ka qaadeysay baaritaanka dhiigyada, Baaritaanka qiimeynta garaaca wadnaha(EKG) iyo shaqooyin kale.

Mar labaad: Bishii August.

Haweeneydan ayaa sida uu qoray wargeyska Aftenposten, marka kale bishii August kasoo noqotay safar dibadda ah. Waxaana lagu wargaliyay inay gasho karantiil 10 maalmood ah. Ma aysan qaadan amarka karantiilka, balse waxey toos u tagtay goobteeda shaqada, iyada oo xiriir toos ah la sameysay dad kala duwan.

Dhageysiga dacwada ay haweeneydan kusoo oogeen xeer ilaalinta booliska Oslo, ayaa dhamaadka bishan November ka bilaaban doonto maxkamada Oslo.

Xigasho/kilde: Helsearbeider tiltalt for å ha dratt på jobb etter å ha vært i utlandet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments