Booliska Norway oo loo ogolaaday inay hubka wadan karaan: Sababtan darteed

0
114
Foto: Wikipedia

Sida caadiga ah, booliska Norway looma ogolo inay wataan hubka ama qoryaha, marka laga reebo xaalado gaar ah oo lagama maarmaan ah. Laakiin wareegto maanta kasoo baxday dowlada, ayaa booliska Norway loogu ogolaaday inay mar walba wadan karaan hubka ama qoryaha/biskooladaha.

Hey´adda sirdoonka Norway ayaa qiimeyn ay soo saartay sheegtay inay kor u kacday khatarta ka imaan karta kooxaha xagjirka ee dhibaatada argagaxisnimo ka geysan kara Norway, kadib weeradadii ka dhacay magaalooyinka Nice, Paris iyo Viena. Weeradaas ayaa ka dhashay sawiro farshaxan ah oo loo ekeysiiyay nabi Muxamed NNKH.

Laanta sirdoonka Norway ayaa aaminsan inay suurtogal tahay in kooxaha islaamiyiinta xagjirka ah, ay weeraro noocaas oo kale ah ka geysan karaan Norway. Sidaas darteed kor loo qaaday heeganka laamaha booliska iyo sugitaanka amaanka goobaha noqon kara bar tilmaameedyada.

Xigasho/kilde: Politiet bevæpner seg etter økt fare for terrorangrep.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments