Dukaanka ayuu u adeeg doontay, isaga oo Corona qabo: 30.000 kr ganaax ah.

0
79
Foto: Politiet

Booliska magaalada Tromsø ayaa bartooda Twitterka soo dhigay qoraal ay sheegayaan in ganaax lacageed oo gaarayo ilaa 30.000 ay siiyeen nin laga helay xanuunka Coronavirus, kadibna la galiyay karantiil, balse 2 mar oo kala duwan la qabtay isaga oo karantiilkii jabiyay, banaankana uga soo baxay gurigiisa.

Ninka la ganaaxay ayaa sababta uu banaanka uga soo baxay guriga karantiilka lagu galiyay ku sheegay inuu rabay inuu kasoo adeegto dukaanka cuntada, balse ay booliska qabteen, kadibna ganaax saareen. Booliska ayaa dhankooda sheegay in labo mar oo kala duwan ay ka warheleen ninka corona laga helay oo banaanka guriga uga soo baxay. Waxeyna dulsaareen 30.000 oo ganaax ah.

Booliska ayaa dhankooda sheegay in qaabka ay ku ogaadeen soo bixitaanka ninkan karantiilka la galiyay, ay aheyd fariimo ay boolisku ka heleen dad la socday xaalada ninka, arkeyna isaga oo dukaanka ka dhex dukaameysanayo.

Xigasho/kilde: En person i Tromsø har fått en bot på 30.000 kroner..

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments