Dowlada: Hala baaro aqoonta ilmaha ee luuqada Norwiijiga, iskuulka kahor.

0
86

Sanad walba waxaa iskuulada Norway la geeyaa caruur gaartay xiligii iskuulka, balse aan laheyn aqoon luuqadeed oo heerkii la rabay gaarsiisan, taas oo markiiba qeyb ka noqoto dib u dhaca ilmaha ee xaga waxbarashada iskuulka.

Wasaaradda waxbarashada Norway ayaa gudbisay hindise sharciyeed la xiriira in xarumaha xanaanada caruurta(Barnehage) iyo maamulada degmooyinku ay ilmaha ka qaadaan imtixaan xaga luuqada ah, kahor inta aysan bilaabin iskuulka. Si loo ogaado heerkooda aqoonta luuqada Norwiijiga.

Wasiiradda waxbarashada Guri Melby ayaa sheegtay inay muhiim tahay in la ogaado aqoonta luuqada ee ilmaha, kahor inta uusan bilaabin iskuulka, si loo siiyo caawintii uu u baahnaa xili hore, loogana hortago dib u dhaca waxbarashada ilmaha yar.

Dowlada ayaa rabto in xarumaha xanaanado la saaro masuuliyad ah inay maamulada degmooyinka usoo gudbiyaan warbixinta aqoonta luuqada ee ilmaha, kahor inta uusan iskuulka bilaabin. Kadibna ay maamuladu go´aan ka gaaraan in ilmahaas imtixaan luuqada ah laga qaado iyo inkale, si loo xaqiijiyo heerka aqoontiisa luuqada.

Ururka bahda waxbarashada ayaa ka biyo diidan arinta ay soo jeedisay dowlada, iyaga oo aaminsan in arintan aysan wax faa´iido ah soo kordhin doonin, dhibaatana ay ku noqon karto ilmaha.

Xigasho/kilde: Vil innføre vurderingsplikt av norskkunnskapar i barnehagen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments