Duqa magaalada Oslo oo abaalmarin gudoonsiisay kalkaaliso soomaali ah: Waa halyeeyad.

0
138
Foto: Skermdump/Facebook

Duqa magaalada Oslo, Mariane Borgen ayaa hadiyad sharafeed gudoonsiisay Amaal Cilmi oo ah kalkaaliso caafimaad oo soomaali oo ah ka howlgasha magaalada Oslo. Amaal ayaa kamid aheyd guruub aqoonyahano soomaali ah oo sameeyay telefoon talo-bixin ah oo loogu talagalay in warbixin dadka looga siiyo talooyinka iyo arrimaha la xiriira xanuunka Coronavirus.

Duqa magaalada Oslo oo barteeda Facebooga soo dhigtay muuqaal ay ku amaaneyso Amaal iyo shaqada wanaagsan oo ay qabatay, ayaa kalkaalisadan soomaalida ah ku tilmaantay halyeeyad reer Oslo ah. Halkan ka daawo muuqaalka duqa magaalada ay soo dhigtay.

Bulshada soomaalida ah ee ku dhaqan dalkan Norway ayaa amaan badan ku heshay qaabkii ay uga hortageen faafitaanka xanuunka Corona.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments