Odoyaashii ka hortagay weerarkii masaajidka Bærum oo bilado la siiyay.

0
96
Sawirka labada halyeey, iyo madaxda ururka islaamka Norway. Foto: IRN

Maanta oo ay taariikhdu ku aadantahay 10. Bisha August, waxaa hal sano ay kasoo wareegatay maalintii weerarka hubeysan lagu soo qaaday masaajidka Al Noor ee magaalada Bærum. Weerarkaas oo ahaa mid nin hubeysan uu isku dayay inuu masaajidka ka geysto weerar argagaxiso, balse waxaa nasiib wanaag ka hortagay labo oday oo xiliga uu masaajidka soo weeraray quraan ku akhrisanayay.

Waxaana maanta gudaha masaajidka AlNoor lagu qabtay xuska sanadguurada maalintaas, waxaana ka qeybgalay madaxda wadanka ugu sareyso, wasiiro dowlada Norway katirsan iyo madaxda diimaha kala duwan ee Norway.

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg oo kulanka xuska ah ayaa sheegtay in maalinta 10-ka august ay tahay maalin mar walba ku xusnaan doonto taariikhda Norway. Iyada oo sheegtay inay muhiim tahay in dadka kunool Norway, ay si xor ah u caabudaan diintooda. Dowladuna ay ka shaqeyn doonto in dadku ay si nabad ah oo amaan ah ugu caabudaan diintooda.

Waxaa munaasabada xuska sidoo kale bilado sharafeed dahab ah lagu gudoonsiiyay labadii odey ee ka hortagay weerarkii uu ninka argagaxiye ah.

Muhammad Rafiq oo ahaa odeygii ku dhiiraday inuu ka hortago, lagdana ninkii weerarka masaajidka kusoo qaaday ee hubeysnaa ayaa la gudoonsiiyay bilad sharafeed ka sameysan dahab, waxaana ay dowladu sheegtay inuu ku muteystay ku dhiirashada ka hortaga ninkii masaajidka weeraray.

Mohammad Iqbal oo isna kamid ahaa dadkii Rafiq ka gacansiiyay qabashada iyo heynta ninka masaajidka soo weeraray, ayay dowladu iyadana gudoonsiiyay bilad ka sameysan qalin(Silver), iyada oo loogu mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay ka hortagista weerarka masaajidka.

Xigasho/kilde: Heltene fra Al-Noor-moskeen hedret med medalje.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments