Oslo oo awaamiir gaar ah oo corono-virus ku saabsan lagu soo rogi doono

0
69
Foto: Wikipedia

Maamulka degmada Oslo ayaa maanta TV2 u sheegay inay beri oo talaado ah ay soo rogi doonaan awaamiir gaar ah oo looga hortagi doono faafitaanka xanuunka covid-19. Iyaga oo qaban doono shir jaraa´id oo ay awaamiirta cusub kusoo bandhigi doonaan.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo badaneysay tirada dadka Norway gudaheeda laga helayo xanuunka covid-19. Iyada oo magaalada Oslo ay aheyd meesha ay deganyihiin dadka ugu badan ee xanuunka laga helay maalmihii tagay.

Sabtidii lasoo dhaafay , dad kor u dhaafaya 20 qof oo xaflad ka qeybgalay ayaa xanuunka laga helay, halka 100 ku dhawaad qof. Oslo ayaa marka loo fiiriyo qiimeynta ay adeegsado hey´adda caafimaadka dadweynaha ee FHI, ah magaalo guduudan, taas oo ka dhigan in xanuunka uu kusii dhex faafayo.

Robert Steen oo ah madaxa waaxda caafimaadka Oslo ayaa TV2 u sheegay in awaamiirta ay maamulka degmada Oslo ay soo rogi doonaan ay noqon doonaan kuwo ka adag kuwa dalka guud ahaan xiligan ay dowlada dhexe kusoo rogtay.

Xigasho/kilde: Nye coronatiltak i Oslo tirsdag.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments