W. Caafimaadka oo ka biyo diidan in la xiro xuduudaha Norway.

0
63

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kor u kacday tirada dadka laga helay xanuunka Covid-19, Norway gudaheeda iyo dalalka kale ee Woqooyiga Yurub.

Khuburo dhanka caafimaadka iyo madaxda degmooyinka dhaca xuduudka Sweden ayaa dowlada, gaar ahaan wasiirka caafimaadka usoo jeediyay talo ah in la xiro xuduudka Norway, kahor inta aysan tiradu intaan ka badan, ama aysan dhicin sidii dhacday bile kahor.

Wasiirka caafimaadka, Bent Høie oo ka jawaabaya dalabkaas ayaa sheegay in dowladu aysan ilaa hada arkin sabab ku filan oo loo xiro xuduudaha dalka, balse ay dowladu si dhow ula socoto xaaladaha soo kordha, ayna hadba qaadan doonto go´aanka ku haboon xiliga markaas la joogo.

Wasiirka ayaa sheegay ineysan arin fudud aheyn in wadanka dhan la xiro ama xuduudaha dalka la xiro, balse wuxuu dadka ugu baaqay inay qaataan taloobooyinka dowlada, ayna ka baaqsadaan safarada dalalka dibadda ah, hadii aysan muhiim lagama maarmaan aheyn.

Xigasho/kilde: Høie sier nei til stengte grenser – Kan ikke holde Norge stengt.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments