Norway: Dadka uu xanuunka Covid-19 ku dhacay oo isku dar 10.000 gaartay.

0
116

Tirada guud ee dadka laga helay ama uu ku dhacay xanuunka Covid-19 ama Coronavirus ayaa maanta dalkan Norway gaartay 10.000 qof, tiradaas oo ah mid u yar, marka lala barbardhigo qiyaasihii ay hey´naddaha caafimaadku sameeyeen bilaabashadii xanuunka ee Norway.

Hey´addaha caafimaadka ayaa aaminsan in tirada runta ah ee dadka uu xanuunku ku dhacay ay gaari karto ilaa 40.000 qof, iyaga oo aaminsan inay jiraan kumanaan qof oo xanuunka uu ku dhacay, balse aan dareemin wax xanuun jireed ah ama uu ku dhaafay si fudud.

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa Norway xanuunka laga helay ilaa  309 qof, tiradaas oo tirada dadkii xanuunka laga helay isbuucii kasii horeeyay oo aheyd 370 qof.

Hey´addaha caafimaadka ayaa aaminsan in amarada dowlada iyo talooyinka caafimaadka ee hey´addaha caafimaadku ay shaqeeyeen, maadaama lagu guuleystay in la dhimo ama la xakameeyo faafitaanka xanuunka. Balse waxey wali aaminsanyihiin in xanuunku uu mar kale soo labakacleyn karo.

Xigasho/kilde: Over 10.000 registrert smittet i Norge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments