Hooyooyin u jawaabay hooyooyin horey uga hadlay khilaafka masaajidka Tawfiiq

0
109

Isbuucii hore waxaa warbaahinta dalkan Norway, gaar ahaan Aftenposten la hadlay 30-meeyo hooyooyin soomaali ah oo xubno ka ah masaajidka soomaalida ee Tawfiiq, kuwaas oo sheegay in qaarkood loo diiday inay soo galaan masaajidka xili ay dhaceysay doorasho codeyn ah. Waxeyna sheegeen inay ka xunyihiin khilaafka ka dhex socdo labada guruub ee soomaalida ah ee ku hardamaya maamulka masaajidka, iyaga oo sheegay in haween ahaan ay markan diyaar u yihiin inay dhexgalaan arrintan oo aysan daawan khilaafka labada guruub ee isku heysta maamulka masaajidka. Kaas oo ay sheegeyn inuu dhibaato ku yahay mustaqbalka caruurtooda xubnaha ka ah masaajidka ee ku koreyso wadankan. Halkan kasii akhri.

Hadalka hooyooyinkan ayaa keenay hadalheyn aad u badan oo warbaahinta Norway ah, waxaana ka hadlay siyaasiyiin katirsan baarlamaanka iyo dadka kale oo u ololeeya arrimaha xuquuqda haweenka.

Hooyooyin kale oo u jawaabay:

Axadii shaley aheyd waxaa iyagana dhankooda shir jaraa´id qabtay qiyaastii 30-40 meeyo dumar iyo hooyooyin kale ah oo katirsan xubnaha masaajidka Tawfiiq. Wuxuuna shirkooda sida ay sheegeen ahaa jawaab ku socoto arrimo horey looga faafiyay masaajidka oo ay sheegeen inay ahaayeen been abuur.

Shirkan oo si toos ah(Live ah, halkan riix) looga tabinayay barta uu Facebooga ku leeyahay masaajidka Tawfiiq, ayaa sheegay inay difaacayaan masaajidka oo ay sheegeen in lagu soo qaaday weerar abaabulan oo dhinacyo badan ka imaanayo. Waxeyna in badan carabka ku adkeeyeen dad ay ku sheegeen siyaasiyiin soomaali ah oo katirsan xisbiyada bidixda ee siyaasada Norway, gaar ahaan Ap iyo SV. Iyaga oo sheegay inay khilaafka baansiin kusii shubayaan ama aysan si daacad ah oo hufan uga hadlin arrinta khilaafka, iyaga oo ku eedeeyay inay dhinac yihiin ama arrimo kale oo gaar ah ay uga faa´iideysanayaan.

Hooyooyinkan shaley shirka jaraa´id qabtay ayaa dhanka kale eedeeyay warbaahinta, gaar ahaan Aftenposten oo ahaa wargeyskii warbixinta ka diyaariyay hooyooyinkii horey uga hadlay khilaafka masaajidka Tawfiiq.

Isku jawaabista labada guruub ee hooyooyinka soomaalida ah ee reer Oslo ee xubnaha ka wada ah masaajidka Tawfiiq ayaa mar kale cadeynayo sida uu u xoogeystay khilaafka labada guruub ee soomaalida ah ee isku heysta maamulka Tawfiiq. Waxaana hada muuqato inuu khilaafku kusii fidiyo qeybaha kale ee bulshada magaalada Oslo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments