NorSIS: Ka digtoonow adeegsiga Password ka kooban: 1234

0
139
Foto: IL

Isbuucyadii ugu danbeeyay waxaa la xaqiijiyay in la xaday 10 bilyan oo numberada sirta ah(Password) ee boqolaal kun oo qof oo daafaha aduunka kunool. Sidoo kale isbuucii lasoo dhaafay waxaa la jabsaday passwordka ilaa 600.000 qof oo koontootin ku leh shirkada cuuntootinka geysa guryaha ee Foodora.

ururka nabadgalyada internetka ee NorSIS ayaa dadweynaha kunool Norway uga digayo inay adeegsadaan number sir ah(Password) oo si fudud lagu qiyaasi karo, tusaale numberada ka kooban 1234. Kaas oo tuugada internetka u sahli karo inay si fudud ku jabiyaan ama ku xadaan.

NorSIS ayaa sidoo kale dadweynaha uga digayo inay hal Password u wada adeegsadaan dhowr meelood oo kala duwan, waxeyna kula talinayaan inay adeegsadaan password-yo kala duwan. Tusaale ahaan, hadii aad Password u adeegsado e-mailka, isla passowrdkaas haka dhigan passwordka Facebooga, Netflix, ama kaarka bankiga ama baraha kale ee aad adeegsato. Balse meel walbe u adeegso ama u samee password gooni ah, si aysan tuugadu ugu fududaan inay barahaas oo dhan hal mar wada jabsadaan, hadii ay helaan passwordka aad u wada adeegsato.

Hey´adda ayaa sidoo kale dadweynaha kula talineyso inay sameystaam passwordka ku xirtaan mobilka gacanta, si hadii barahooda bulshada loo jabsado ay u helaan fariinta digniinta ah.

Xigasho/kilde: Ber nordmenn droppe slike passord.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments