NAV oo boqolaal aabe si xaqdaro ah ugu diiday fasax ay xaq u lahaayeen.

0
217

Wargeyska weyn ee Aftenposten ayaa maalmo kahor fashiliyay fadeexad kale oo lasoo gudboonaatay xafiiska shaqada ee NAV. Fadeexadaas oo ku saabsan in NAV ay si xaqdaro ah fasaxa aabenimo ee marka uu ilmo yar u dhasho qoyska, ugu diiday boqolaal aabe oo xaq u lahaa inay helaan fasax ay mushaarkooda guriga ku qaataan.

Sida caadiga ah marka uu ilmo yar dhasho, aabaha ilmahaas cusub ee dhashay ayaa xaq u leh inuu qaato 15 isbuuc oo fasax mushaari ah(Fedrekvote, Fasax uu shaqada kaga qaadanayo, isaga oo mushaarkiisa guriga ku qaadanayo).

Balse NAV ayaa tan iyo sanadkii 2015 boqolaal aabe u diiday inay qaataan fasaxaas ay xaqa u lahaayeen, iyaga oo sabab ka dhigayo inaysan goobta shaqada aabaha ka helin macluumaadka ku saabsan mushaarkiisa sanadka.

Waxaa hada la ogaaday in qaladka ay lahaayeen NAV, ayna jirtay cilad farsamo oo systemka NAV la xiriirta oo arintaas sababeysay.

NAV ayaa hada aabeyaashaas loo diiday fasaxa ay xaqa u lahaayeen ka codsaneyso inay mar kale dib xiriir usoo sameeyaan, ayna soo codsadaan fasaxii horey loogu diiday.

Xigasho/kilde: Nav-blemme: Flere har mistet fedrekvoten urettmessig.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments