Aftenposten oo wareysatay hooyooyin u jawaabay hooyooyin kale.

0
156

Wargeyska Aftenposten ayaa maanta soo daabacay warbixinta kulan ay axadii hore magaalada Oslo ku yeesheen 40-meeyo hooyooyin iyo dumar soomaali ah, kuwaas oo sheegay in kulankoodu uu jawaab u yahay wareysiyo ay horey warbaahinta u siiyeen hooyooyin kale oo katirsan xubnaha masaajidka Tawfiiq.

Faatima Cigge oo u hadleysay hooyooyinka uu wareystay Aftenposten ayaa sheegtay inay xubin masaajidka Tawfiiq ka aheyd 20 sano, waxeyna wax kama jiraan ku tilmaantay in dumar loo diiday inay masaajidka ka codeeyaan, iyada oo raacisay in iyaddu shaqsi ahaan ay codkeeda dhiibatay maalintii ay dhaceysay doorashada codbixinta ah. Waxeyna intaas raacisay in dumarka Aftenposten la hadlay ay yihiin dad faro ku tiris ah.

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku sheegay inuu khilaaf lamid ah kan ka dhaxeeyo labada gudi ee soomaalida ah, uu ka dhex jiro dumarka xubnaha ka ah masaajidka. Iyaga oo dhowr mar maqaalkooda ku xusay in kulanka hooyooyinka soomaalida ah uu ahaa mid si toos(Live) looga tabinayay barta uu Facebooga ku leeyahay masaajidka Tawfiiq, ayna kulanka maamulayeen koox rag ah.

Hooyooyinka Aftenposten la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin sabab xiligan keeneyso in dumarku ay gadood-dumarnimo ka sameeyaan masaajidka, balse waxey qireen in dumarku uu 30-kii sano uu masaajidku dhisnaa, aysana marna kamid noqon gudiga maamulka masaajidka, iyaga oo dhanka kale xusay in dumarku ay shaqada iyo howlaha ugu badan ka qabtaan masaajidka.

Wargeyska ayaa hooyooyinka soomaalida ah weydiiyay inay la kulmeen ama la hadleen dumarka kale ee xubnaha ka ah masaajidka, si ay dhexdooda dumar ahaan mawqif mideysan u istaagaan, kahor inta aan kulankan la abaabulin. Balse waxaa loogu jawaabay maya.

Fatima Cigge ayaa sidoo kale sheegtay in masaajidku uu lahaan jiray gudi gooni u ah dumarka ilaa laga soo gaaray sanadkii 2016, kaas oo si joogto ah ula shaqeyn jiray gudiga guud ee masaajidka oo ragg kali ah ka kooban.

Ubah: Masaajidku wuxuu hadana siyaabo kala duwan ula dhaqmay xubnihiisa dumarka ah.

Dumarkan uu wareystay AFTENPOSTEN ayaa eedeeyay siyaasiyiin ay kamid tahay Ubah Abdullahi Aden oo katirsan golaha deegaanka Oslo. Iyaga oo ku eedeeyay inay arrimaha siyaasada soo dhex galineyso arrimaha diinta iyo masaajidka.

Ubah oo la hadashay wargeyska Aftenposten ayaa sheegtay inay tahay qof xubin ka ah masaajidka, ayna xaq u leedahay inay si lamid ah xubnaha kaleba ay fikirkeeda uga dhiibato arrimaha khuseeyo masaajidka iyo qaabka loo maamulayo.

Ubah ayaa sidoo kale raacisay ay markii hore rajo ka qabtay in gudiga masaajidku ay kulan ugu yeeraan dumarka loo diiday inay codeeyaan, si ay u dhageystaan dareenkooda, ayna ugala hadlaan wixii dhacay iyo qaabka loo xalin karo.

Balse uu taa badalkeeda ay gudiga masaajidku doorteen inay waji xumo u muujiyaan, ayna soo uruuriyaan dumar kale oo u jawaaba dumarkii hore, iyada oo si live ah looga tabinayo Facebooga masaajidka oo ah meel xubnaha ka dhan ay aheyd in si isku mid ah loogu adeego.

Ubah ayaa sheegtay inay dhageysatay labo guruub ee dumarka ah ee guruubna albaabka laga xirtay, guruubna ay sheegeen inay codeeyeen. Iyada oo Aftenposten u sheegtay in kaamirada masaajidka ku xiran ay noqon karto cadeynta kala saari karta labada guruub.

Xigasho/kilde: Kvinner har i årevis vært de mest aktive i den somaliske moskeen, men plass i styret har de aldri hatt.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments