Germany: Gabar soomaali ah oo qisadii ay isku dhiibtay, maxkamad lagu saaray.

0
129
Foto: Ralf Meier

Gabar Soomaali ah oo sanadkii 2013 Germany soo gashay, ayaa markii ay magangalyada codsaneysay sheegtay in Soomaaliya gudaheeda ay labo nin ku kufsadeen, kadibna ay mid kamid ah labadii nin toori ay la dhacday, dhaawacyo waaweyna ay gaarsiisay. Sidaas darteedna ay uga soo baxsatay dalkeedii hooyo, hadana ay Germany magangalyo weydiisaneyso.

Laamaha amniga dalka Germany, ayaa markii ay akhristeen warbixinta wareysiga laga qaaday gabadhan ku eedeeyay dacwad danbiyeed ah inay meel ka baxsan Germany ku gashay danbi isku day dil ah. Waxaana la geeyay maxkamad dhageysatay dacwadeeda.

Jimcihii shaley aheyd ayaa lagu xukumay lix bilood oo xarig shuruudeysan ah, iyada oo aan hada xabsiga gali doonin, laakiin hadii ay wax danbi ah gasho lixda bilood ee soo socoto, waxey markaas toos u qaadan doontaa mudadii xabsi ee lagu xukumay.

Xigasho/kilde: Gericht verschont Frau, die auf Vergewaltiger einstach

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments