Denmark oo Corona-baasaboor u sameyneyso muwaadiniinta dalkeeda.

0
76

Dowlada badan oo caalamka ah ayaa dhawaantan soo ragay shardi laga rabo qofka ajnabiga ah ee raba inuu dalkooda soo galo, kaas oo ah inuu keeno cadeyn muujineyso inuusan qabin xanuunka Covid-19. Si loogu ogolaado inay dalkaas oo galaan.

Dowlada Denmark ayaa maanta sheegtay in muwaadiniinta u dhalatay dalkaas ee raba inay safar dibadda ah u baxaan, loo sameynayo baasaboor digital ah oo cadeynaya inaysan xanuunka Covid-19 qabin. Waxaana qofka baaritaan laga qaadayaa inta uusan bixin kahor, kaas oo hadii natiijadiisu ay Negativ noqoto loogu diiwaangaliyo baasaboorka ay dowladu digital ahaan ugu sameysay. Wuxuu baasaboorkaas digital ah noqonayaa cadeynta muujineyso inuusan xanuunkaas qabin, hadii uu u safrayo dal laga rabo cadeyn caafimaad qabka covid-19.

Dalalka Nordica, marka laga reebo Sweden ayaa ah meelaha uu caalamka saameynta ugu yar ku yeeshay xanuunka Covid-19.

Xigasho/kilde: Danmark innfører «koronapass»

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments