Norway: Dowlada oo maanta ogolaatay in dalalkan loo safri karo. AKhri liiska.

0
80

Shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah u qabteen xubno katirsan golaha wasiiradda dowlada Norway, ayay kusoo bandhigeen qorshaha cusub ee dowlada Norway ee ku aadan safarka muwaadiniinta Norwiijiga ah ay ku tagi dalalka kale ee caalamka.

Dowlada ayaa maanta ogolaatay in dadka Norway kunool ay u safri karaa inta badan wadamada Yurub, marka laga reebo dalal kooban iyo gobolo katirsan dalka Sweden. SIdoo kale waxey furtay in dalxiisayaasha u dhashay dalalka Yurub ee ku guuleystay xakameynta xanuunka Corona-virus, ay Norway fasaxooda imaan karaan.

Dalalka ay Norway ogolaatay ayaa kujiro liis ay diyaarisay waaxda caafimaadka dadweynaha Norway oo lagu saleeyey qaabka ay u xakameeyeen faafitaanka xanuunka Covid-19 iyo tirada dadka uu xanuunkaas kudhacay bilihii ugu danbeeyay.

Khariidada dalalka ay Norway ogolaatay in loo safri karo
Foto: FHI

Kadib qiimeyn caafimaad oo lagu sameeyay xaalada xanuunka Corona-virus ee dalalkan, Norway ayaa maanta ogolaatay in loo safri karo, dalal ay kamid yihiin(Khariidada kore fiiri):

Belgiumka, Denmark, Estonia, Finland, Faransiiska, Giriiga, Ireland, Iceland, Talyaaniga, Qubrus, Latvia, Holland, Spain, UK., Switzerland, Austria iyo Germany.

Sidoo kale dowlada ayaa ogolaatay in lo safri karo gobolada Blekinge, Kronaberg iyo SKåne ee dalka Sweden. Sweden ayaa wali lagu tirinayaa meelaha uu xanuunka Covid-19 saameynta kusii leeyahay wadamada Yurub.

Dowlada ayaa dadka raba inay safraan ugu baaqeyso inay iska diiwaangaliyan barta internetka ee (https://www.reiseregistrering.no/), si loola socdo xaaladooda, loona caawin karo hadii ay wax kusoo kordhaan. Waxeyna codsatay in qof walba ay waajib ku tahay inuu akhriyo shuruucda xakameynta Corona-virus ee dalka uu qofku rabo inuu u safro ama uu u dalxiis tago.

XIgasho/kilde: Endringer i UDs reiseråd fra og med 15. juli

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments