Århus-DK: Labo qof oo soomaali ah oo shaley iyo xalay lagu dilay magaaladaas.

0
127

Sida ay xaqiijiyeen booliska magaalada Århus ee dalka Denmark, waxaa shaley oo arbaco aheyd magaalada Århus lagu dilay nin 25 sano jir ah, halka xaley oo khamiis aheydna isla magaaladaas hadana lagu dilay nin kale oo da´diisa lagu sheegay 42 sano.

Sida ay warbaahinta NorSom News u xaqiijiyeen soomaalida degan magaalada Århus, labada qof ee xalay iyo shaley la dileyba, ayaa ahaa dad asal ahaan soomaali ah, balse heysta dhalashada dalka Denmark.

Booliska magaalada Århus ayaa shir jaraa´id oo ay qabteen ku sheegay in labada kiis ee dilka ahba, ay xiriir la leeyihiin kooxaha ka ganacsada daroogada ee magaaladaas ka howlgala. Balse boolisku ilaa hada ma aysan cadeyn, in labada dil xiriir uu ka dhaxeeyo iyo in labada dil uu midba u dhacay si iskiis ah.

Laamaha amaanka Denmark ayaa isku dar 8 qof oo lala xiriirinayo arintan usoo qabtay falalkan dilka ah.

Dilka wiilka 25-jirka ah ayaa loo adeegsaday xabado sida ay boolisku sheegeen, halka dilka ninka 42 sano jirka ah loo adeegsaday mindi. Booliska ayaa wali wada baaritaanka, iyaga oo sheegay in marka ay soo gaba-gabeeyaan wajiga koowaad ee baaritaanka, ay warbaahinta la hadli doonaan.

Dalalka Nordica, waxaa aad ugu soo badanaya dilalka ay isku geystaan ama loo geysto dhalinyarada soomaalida ah ee ku howlan arrimaha daroogada iyo kooxaha gangiska.

Xigasho/kilde: Otte anholdt efter to drab i Aarhus

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments