fredag, april 26, 2024

Sweden: Waalidka oo safarkiisa la xanibi karo, haddii la tuhmo in ilmaha guur loo wado.

Sharci dhawaan dalka Sweden laga meelmariyay, ayaa hay’adda adeegga Bulshada ee dalkaas, awood u siinaya in waalidiinta safarka laga baajin karo si qasab ah, ayna kala wareegi karto xanaanada ilmaha, xitaa waalidkana loo maxkadeyn karo, hadii la tuhmo in ilmaha loo wado guur qorsheysan ama gudniin.

Shalay ayaa waalidka dhalay gabar 11 sano jir laga baajiyay safar ay ugu socdeen dalka Turkiga, markii la ogaaday in gabadhaas laga saaray iskuulkii, loona waday guur qorhseysan, sida ay gabadha 11-jirka ah laftirkeedu ku wargalisay hey´addaha daryeelka bulshada.

Madaxa hey´adda adeega iyo daryeelka bulshada ayaa sheegay in mid kamid ah shaqooyinka ugu weyn ee hey´addu, ay tahay kahortaga dhibaato soo gaari karto caruurta, sidaas darteed ay waajib ku tahay inay talaabo qaadaan, hadii la tuhmo in ilmaha dalal kale loo safrinayo, si loo gudo ama loogu guuriyo.

Xigasho/kilde: Sveriges Radio

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x