TV2: Soomaali-Norwiiji maxkamad dil ku eedeysan oo Hargeysa maxkamad lasoo taagay.

0
87

Sida uu qoray muuqaal-baahiyaha TV2, nin soomaali-norwiiji ah ah oo 50-meeyo jir ah, ayaa magaalada Hargeysa ee Somaliland lagu soo taagay maxkamad, isaga oo ku eedeysan danbi dil ah, kaas oo uu ku muteysan karo ciqaab dil toogasho ah.

Ninkan oo asal ahaan soomaali ah, balse heysta dhalashada Norway ayuu TV2 qoray in la xiray bishii Maarso ee sanadkan, hadana lagu maxkamadeynayo magaalada Hargeysa. Qareenkiisa Norwiijiga ah ayaa sheegay in ninkan uu muteysan karo dil toogasho ah, hadii maxkamada Hargeysa ay ku hesho fal danbiyeedka lagu soo eedeeyay.

Farid Bouras oo ah qareenka ninkan ee Norway ayaa ka deyriyay xaaladiisa, wuxuuna sheegay inuu ku suganyahay xaalad adag, uusana helin daawooyinkiisa. Isaga oo raaciyay in qareenkiisa lokalka ah ee magaalada Hargeysa laga bixiyay dhageysiga maxkamada ee arbacadii dhacday, sidaas darteed uusana helin fursad uu gartiisa ku bandhigto.

Qareenka ninkan soomaali-Norwiijiga ah, Farid Bouras oo ka shaqeeya shirkada qareemada caanka ee Elden, ayaa sheegay in macaamiilkiisu uusan wax lug ah ku laheyn danbiga lagu soo eedeeyay, uuna hada ka shaqeynayo inuu arintan ka xaliyo dhinaca Norway. Isaga oo sheegay in arbacadii uu la hadlay wasiirka cadaalada Somaliland, kaas u xaqiijiyay in kiiskiisa dib loo fiirin doono. Dhanka kalena uu kiiska ku wargaliyay safaarada Norway ee dalka Nairobi.

Siri R. Svendsen oo katirsan wasaaradda arrimaha dibadda Norway, ayaa TV2 u xaqiijisay in safaarada ay ka warheshay kiiska ninkan, ayna u qaban doonaan wixii caawin sharciyeed oo ay safaaradu ugu talagashay muwaadiniinta Norwiijiga ah ee lagu xiro wadamada dibadda.

Xigasho/kilde: En norsk statsborger i 50 årene er siktet for drap i Somaliland. Dersom han blir dømt risikerer han dødsstraff.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments