torsdag, mars 28, 2024

Daawo(VG): Norway cunsuriyad maka jirtaa: Jawaabaha 7 qof oo asal ahaan ajnabi ah.

Maalmihii tagay, waxaa warbaahinta caalamka heystay kiiska dilkii argagaxa lahaa ee booliska magaalada Minneapolis ay u geysteen George floyd oo ahaa nin madow ah. Waxaana dilka Floyd ka dhashay caro xoogan oo sababtay mudaarahaadyo rabshado wata oo ka dhacay inta magaaalooyin waaweyn ee Mareykanka, iyo caalamka iniisa kaleba.

Dilka Floyd wuxuu sidoo kale dood ka abuuray dalkan Norway, waxeyna dad badan rumeysanyihiin in Norway ay ka jirto cunsuriyad qarsoon(aan toos u muuqan) iyo mid nidaami ah oo lagu hayo dadka laga tirada badanyahay ee wadanka kunool. Waxaana cunsuriyadaas ay saameyn nafsiyan ku yeelataa dareenka shaqsiyeed ee qofka, xiriirka uu la leeyahay bulshada iyo kobaca aqooneedba.

Wargeyska VG ayaa wareystay, muuqaal koobana ka diyaariyay 7 qof oo asal ahaan ajaaniib ah, balse Norway ku dhashay ama ku koray. kuwaas oo ka hadlayo dareenkooda la xiriira cunsuriyada iyo dhacdooyin ay la kulmeen oo faquuq la xiriira.

Halkan ka daawo muuqaalka(RIIX-LINKIGA, SI AAD U TAGTO BOGA MUUQAALADA EE VG.NO)

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x