torsdag, april 25, 2024

Sweden: Soomaali u sharaxan abaalmarinta darawalka sannadka 2020.

Sida ay tabisay idaacada Sverige Radio, qeybteeda afka Soomaaliga, Anwar Maxamed oo ah darawal soomaali ah oo ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha ee Busska ee magaalada Sundsvall, ayaa u sharaxan bilada darawalka sanadka 2020.

Anwar ayaa soo galay, booska koowaadna kaga jira liiska kama dambeysta ah ee sadexda darawal ee isugu soo haray ku guuleysiga bilada darawalka sanadka 2020. Waxaana codeynta ka qeybqaadanayo oo dooranayo qofka ku guuleystay biladaas, shacabka adeegsada gaadiidka dadweywaha ee bussaska. Iyaga oo ku qiimeynayo habdhaqanka iyo la falgalista qofka darawalka ah uu la sameynayo dadweynaha iyo waliba qaabka gudashada waajibkiisa shaqo.

Anwar ayaa wareysi uu siiyay idaacada SR ku sheegay in Hab dhaqankiisa shaqadu aysan aheyn mid ku wajahan ama uu ku rajeynayay ku guuleysiga abaalmarin, balse ay aheyd gudasho waajib shaqo oo ka saaran xirfadiisa. Wuxuuna darawalka soomaaliga ah sheegay inuusan fileynin oo lama filaan ay ku noqotay in dadweynaha adeegsada gaadiidka dadweynaha ay isaga u codeeyaan oo uu liiskaas booska koowaad hada kajiro.

Darawalkan soomaaliga ah ayaa sidoo kale sheegay in shaqada buss-wadidu ay tahay mid xiiso badan oo qofku uu kula kulmayo dad kala duwan oo ku sugan xaalado kala duwan.

Waxaa abaalmarinta bilada darawalka sanadka bixineyso ururka Din Tur oo ah urur ay ku mideysanyihiin iskaashatooyinka gaadiidka dadweynaha ee ka howlgala dhowr magaalo oo Västernorrland.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x