Odense: Wiil soomaali ah oo la dilay.

0
205

Sida ay qorayaan warbaahinta lokalka ee magaalada Odense ee dalka Denmark, waxaa xalay fiidkii xaafada Vollsmose ee magaalada Odense lagu dilay wiil soomaali ah oo 30-meeyo jir ah, waxaana isla goobtaas si xun loogu dhaawacay nin kale oo Falastiini ah.

Warbaahinta lokalka ah ee magaalada Odense ayaa qoreyso in xabadaha uu ku dhintay wiilka soomaaliga ah loo waday ninka falastiiniga ah ee dhaawacmay, kaas oo rag hubeysan ay ku weerareen baabuurkiisa. Waxaana ninka falastiiniga oo dhaawac daran uu soo gaaray la dhigay isbitaalka, isaga oo wali xaaladiisu ay tahay mid halis ah.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in wiilka soomaaliga ah ee la dilay uu ahaa qof caadi ah oo xaafada dadka degan kamid ah, inta ay ogyihiina aan kamid aheyn kooxaha ku howlan falalka danbiyada ah.

Booliska ayaa sheegay inay rumeysanyihiin in falkan toogashada ah uu xiriir la leeyahay falalka ugaarsiga ah ee u dhaxeeyo kooxaha gaangiska ah ee magaaladaas ka dhisan.

Xigasho/kilde: Skuddrab i Vollsmose: Det ved vi, og det mangler vi stadig svar på

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments