Macalimiinta luuqada Norwiijiga: Hala joojiyo shardiga adag ee luuqada ah ee qaadashada dhalashada Norway lagu xiro.

0
129

Warqad furan oo ay ku saxiixanyihiin 108 macalin oo kamid ah macalimiinta dhiga luuqada Norwiijiga ah, ayaa dowlada ugu baaqay inay joojiso dhaqancelinta soo jeedinta ku saabsan in la adkeeyo shardiga dhanka luuqada ah ee lagu xiro ajaaniibta dalbaneyso baasaboorka Norway. Waxeyna warqadooda kusoo bandhigeen boga waxbarashada iyo xiriirka dadka waxbarashada ka shaqeeyo ee utdanningsnytt.no

Dowlada Norway, gaar ahaan wasiirka waxbarashada ayaa bishii hore sheegtay in dowladu ay rabto in la adkeeyo shuruuda dhanka luuqada ah ee lagu xiro ajaaniibta rabto inay qaataan dhalashada Norway. Waxeyna dowladu soo bandhigtay in shardiga luuqada ee afka laga dhigo BI, halka uu hada ka yahay A2. Halkan kasii akhri

Macalimiinta: Arintaas waa ka digeynaa

Warqada ay macalimiinta qoreen ayay ku sheegeen in shardigaas dhanka luuqada ah uusan aheyn mid caqli gal ah, sidaas darteed loo baahanyahay in dowladu ay ka fiirsato dhaqangalidiisa. Uuna abuuri karo kalsooni daro iyo niyad jab soo wajaha dadka ajaaniibta ah ee raba inay qaataan dhalashada Norway ama ay wadanka si fiican u dhexgalaan.

Macalimiinta ayaa sheegay inay si maalinle ah luuqada Norwiijiga u baraan ajaaniibta wadanka ku cusub, khibradooduna ay sheegeyso in shardigaas dhanka luuqada ah uu yahay mid aad u adag, marka loo fiiriyo mudadada uu qofku wadanka joogo iyo ku hadalka luuqada Norwiiniga oo ajaaniibta aad ugu adag.

Macalmiinta ayaa sidoo kale sheegay in isdhexgalka qofka iyo la qabsigiisa aysan wax xiriir ah kala dhaxeyn ku hadalka luuqada, balse uu qofku noqon karo qof bulshada wax kusoo kordhiya ama ka dhex shaqeeyo isaga oo luuqada ay dowladu rabto ku hadlin.

Halkan kasii akhri: Urealistiske språkkrav til statsborgerskap bør fjernes

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments