Dowlada: Imtixaanka luuqada B1, waa inaad heysato, si aad u hesho jinsiyada Norway.

0
242

Mid kamid ah shuruudaha looga baahanyahay qofka raba inuu codsado jinsiyada ama dhalashada Norway, ayaa waxaa xiligan kamid ah shardiga ku hadalka luuqada Norwiijiga(Muntlig). Waxaana qofka codsanayo jinsiyada Norway laga rabay inuu ku baaso imtixaanka afka ee heerka A2.

Wasaarada waxbarashada iyo isdhexgalka Norway ayaa hindise sharciyeed ay u gudbisay baarlamaanka ku sheegtay inay rabto inay adkeyso shuruudaha dhanka luuqada ee dadka codsanayo baasaboorka Norway.

Dowlada ayaa rabto in qofka codsanayo dhalashada Norway uu ku baaso imtixaanka afka ee B1(Muntlig), halka uu hada shardiga luuqadu ka yahay A1(Muntlig). Waxeyna dowladu rabitaankeeda isbadalka arintan u gudbisay baarlamaanka Norway oo hada ka doodi doono.

Wasiirada waxbarashada iyo isdhexgalka Norway Guri Melby ayaa sheegtay in dowladu ay rabto in la adkeeyo shardiga aqoonta luuqada Norwiijiga, si looga hortago in qofku uu bulshada wadanka ka dhexbaxo.

Waxeyna wasiiradu sheegtay in aqoonta luuqadu ay muhiim u tahay isdhexgalka bulshada iyo ka qeybqaadashada suuqa shaqada. Ayna muhiim tahay in qofka raba inuu qaato dhalashada Norway, wadankana 7 sano iyo ka badan degenaa ay muhiim u tahay inuu aqoon fiican u leeyahay ku hadalka luuqada Norway.

Waxaa muhiim ah in shardigan uusan qaban doonin dadka xanuunsan ama siyaabo kale oo shaqsiyeed.

Hadii uu baarlamaanka Norway ansixiyo isbadalkan, Norway ayaa ku biireyso dalalka shuruudaha adag ee dhanka luuqada ah ku xira dadka raba inay qaataan jinsiyada dalalkooda. Denmark qofka raba inuu qaato baasaboorka dalkaas, waxaa laga rabaa inuu ku baaso imtixaanka luuqada B2, halka Finlad laga rabo qofka imtixaanka afka ee B1.

Xigasho/kilde: Regjeringen vil skjerpe kravet til norskkunnskaper for statsborgerskap

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments