Wasiirka arrimaha dibadda Norway oo dabaaldageyso. FOTO:UTENRIKSDEPARTEMENTET

Dowlada Norway ayaa olole xoogan oo ay waday labadii sano ee ugu danbeeyay, ugu danbeyn xalay ku guuleysatay kamid noqoshada xubnaha aan joogtada aheyn ee golaha amaanka ee qaramada midoobay. Waxaana Norway tartan cidiyo ku dirir ah la galay dalka Canada oo kula tartamayay booska kursiga aan joogtada aheyn ee qaramada midoobay.

Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa ka kooban 15 xubnood, kuwaas oo 5 kamid ah ay yihiin joogto(Kuwa codka Vetto-ga ah leh), halka 10 xubnoodna ay wareegaan oo dalalka caalamku ay dhowrkii sanaba mar u tartamaan.

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg oo shaley shir jaraa´id qabatay guusha Norway kadib sheegtay, in booskaas ay Norway u adeegsan doonto ka shaqeynta arrimaha nabadda iyo heshiisiinta.

Norway ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay dagaal xoogan u gashay ku guuleysiga kursigaas, waxeyna tusaale ahaan reysulwasaaraha Norway labo mar safar ku tagtay magaalada Adiss ababa, iyada oo wadamada Africa weydiisatay inay codkooda siiyaan. Waxaana dadka ay Solberg sanadkii hore iyada oo cod raadis ah ay Adiss ababa kula kulantay kamid ah, madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Reysulwasaaraha Canada oo ahaa wadankii Norway la tartamayay ayaa Norway ugu hanbalyeeyay guusha ay gaartay.

Xigasho/kilde: Norge blir medlem av FNs sikkerhetsråd

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments