Dowlada oo bilad sharaf dahab ah gudoonsiisay odoyaashii ka hortagay weerarkii masaajidka.

0
95
Muhammad Rafiq( Bidix) og Mohammad Iqbal(Midig). Foto: Oslo politidistrikt

Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay dowlada Norway, waxaa bilad sharafeedka Medaljen for edel dåd la gudoonsiiyay Muhammad Rafiq iyo Mohammad Iqbal oo ahaa labadii qof ee ka hortagay weerarkii argagaxisnimo ee lagu qaaday masaajidka Al noor ee magaalada Bærum.

Muhammad Rafiq oo ahaa odeygii ku dhiiraday inuu ka hortago, lagdana ninkii weerarka masaajidka kusoo qaaday ee hubeysnaa ayaa la gudoonsiiyay bilad sharafeed ka sameysan dahab, waxaana ay dowladu sheegtay inuu ku muteystay ku dhiirashada ka hortaga ninkii masaajidka weeraray.

Mohammad Iqbal oo isna kamid ahaa dadkii Rafiq ka gacansiiyay qabashada iyo heynta ninka masaajidka soo weeraray, ayay dowladu iyadana gudoonsiiyay bilad ka sameysan qalin(Silver), iyada oo loogu mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay ka hortagista weerarka masaajidka.

Wasiiradda ganacsiga Iselin Nybø ayaa labada odeyba uga mahadcelisay dadaalka iyo geesinimada ay sameeyeen.

Xigasho/kilde: Tildeling av Medaljen for edel dåd

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments