torsdag, april 25, 2024

Germany: Nin soomaali ah oo xaaskiisa dilay.

Sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah warbaahinta soomaalida ah ee ka howlgala dalka Germany, Gabar soomaali ah ayaa maanta magaalada Cloppenburg ee gobolka Niedersachsen waxaa ku dilay nin soomaali ah oo ay dhawaan is guursadeen.

Marxuumada la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Leylo Saciid, waxeyna dalka germany soo gashay sanad kahor, iyada oo kamid aheyd qoxooti ay dowlada Germany kasoo qaadatay xeryaha qoxootiga ee kuyaal dalka Masar.

Booliska ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen ninka soomaaliga ah ee lagu eedeynayo inuu falkan ka danbeeyay, kaas oo ay boolisku xabsiga dhigeen.

Wiil 2 sano jir aheyd oo ay marxuumada geeriyootay dhashay ayay boolisku xaqiijiyeen inuu ku sugnaa goobta hooyadiis lagu dilay, waxaana xanaanada wiilka yar la wareegay oo gacanta ku haya xaaladiisa, hey´adda qaabilsan caruurta ee degmada Cloppenburg.

Dalka Germany oo ay soomaalidu xoog usoo dagtay lixdii sano ee ugu danbeysay, ayaa marar badan kusoo noq-noqdo falalka dilka ah oo ay isku geystaan soomaalida dalkaas kunool. Waxaana dalka Germany magaalooyinkiisa kala duwan kunool kumanaan qoxooti soomaaliyeed ah.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x