Daawo dili karto Covid-19 oo “la helay”

0
86

Daawo qiimaheedu jaban yahay, caalamka oo dhanna laga heli karo, ayaa la sheegay inay gacan ka geysan karto badbaadinta bukaannada sida daran ula xanuunsan cudurka corona.

Daawadan – oo xaddiga laga qaadanayo uu yar yahay – ayaa lagu magacaabaa dexamethasone, waxaana loo arkaa inay tahay guul aad u weyn oo laga gaaray dagaalka lagula jiro fayraska dilaaga ah, sida ay sheegeen khubarada caafimaadka ee UK.

Waxay dawadan la helay qeyb ka tahay tijaabadii ugu weyneyd ee caalamka looga sameeyay dawooyinka horay u jiray, si loo arko inay wax ka qabanayaan fayraska corona.

Waxay seynisyahannada caafimaadka sheegeen inay si buuxda u caawin karto afar meelood saddex meel oo ka mid ah bukaannada xaaladahooda laga quustay ee ku neefsanaya qalabka loo yaqaanno ventilators-ka.

Waxay sidoo kale sheegeen inay cudurka ka dili karto inta badan dadka uu ugu dhacay sida adag.

Cilmi-baareyaasha ayaa sheegay in haddii dawadan la isticmaali lahaa markii ugu horreysay ee uu fayraska gaaray UK ay badbaadin kari lahayd nolosha dad gaaraya 5,000 oo hadda geeriyooday.

Dalalka saboolka ah ee dunida, oo cudurka Covid-19 uu aad u saameeyay ayey faa’iidada ugu weyn u noqon doontaa, maadaama uu kharashkeedu aad u yaryahay.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments