Oslo: Waalid ku eedeysan inay jirdileen gabadhooda oo diiday guurka ina adeerkeed.

0
85
Oslo Tingrett Foto: Wikipedia

Xeer ilaalinta booliska magaalada Oslo ayaa dacwad kusoo oogay labo qof oo waalid ah, kuwaas oo ku eedeysan inay u hanjabeen, jirdilna u geysteena gabadhooda, kadib markii ay diiday inay abqasho guurka ina adeerkeed oo waalidkeed ay usoo bandhigeen. Waxeyna arintan dhacday intii u dhaxeysay bishii January ilaa April sanadkii 2019.

Waalidkan ayaa ku eedeysan, maxkamadna loo soo taagi doonaa dacwado ay kamid yihiin inay guur aysan raali ka aheyn ku qasbeen gabadhooda, iyaga oo heshiis guur oo aan laga tala galin la galay waalidka wiilka adeerkeed dhalay ee la rabay in loo guuriyo.

Waxaana lagu eedeeyay inay jirdin loo adeegsaday suun, gacan iyo haraati ay u geysteen gabadhooda, kadib markii ay diiday inay aqbasho guurka ina adeerkeed. Waxeyna ugu hanjabeen jirdil kale, hadii aysan aqbalin guurka ina adeerkeed. Waalidka ayaa sida ay boolisku sheegeen gabadha u sheegay in qoysku ay lumin doonaan sharaftooda, hadii gabadhoodu aysan warkooda maqlin.

Maxkamada waalidkan ayaa bisha September ka bilaaban doonto magaalada Oslo. Waxaana maxkamada Oslo ay dhageysiga kiiskan u qiimeysay mudo 4 maalin ah.

Xigasho/kilde: Ville ikke gifte seg med fetter – foreldrene tiltalt for mishandling

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments