Dhageysiga maxkamada khilaafka maamulka Towfiiq oo isbuuca danbe dhici doonto.

0
92

Sida aan ka xaqiiqsanay xogheynta maxkamada khilaafaadka madaniga ah ee magaalada Oslo, waxaa isbuuca danbe dhageysiga gar-maxkamadeedkooda la gali doonaa labo guruub oo soomaali ah oo isku heysto qaab maamulka masaajidka weyn ee soomaalida ee Towfiiq.

Labadan guruub ee maxkamada khilaafaadka Oslo ay gar-dhageysigooda u fariisan doonto, ayaa kala ah maamulka hada ku diiwaangashan Towfiiq iyo gudi kale oo ka kooban sagaal qof, kuwaas oo ka biyo diidsan hab doorashada maamulka masaajidka, sheeganayana inay yihiin gudi ay doorteen xubnaha masaajidka.

Qareen ay qabsadeen gudiga masaajidka Towfiiq ayaa bilowgii sanadkan 2020 waraaqad dacwo ah ka gudbiyay sagaalka qof ee uu ka koobanyahay gudiga kale ee khilaafku uu kala dhaxeeyo gudiga hada ku qoran masaajidka Towfiiq. Garsooraha Maxkamada khilaafaadka Oslo, ayaa isaga oo xeerinayo digniinta dowlada ee ku aadaneyd in masaajidka laga tirtiri doono liiska ururada diimaha, si kumeel gaar ah kiiska ugu xukumay gudiga masaajidka Towfiiq, isaga oo aan dhageysan jawaabta guruubka sagaalka qof ah ee kiiska dacwada ah laga gudbiyay. Halkan ka akhri warka arintaas. Wuxuuna xukunkiisa ku saleeyay inuu rabay inuu ka hortago dhaawac soo gaaro masaajidka.

Xukunka maxkamada khilaafaadka madiniga ah ee Oslo, ayaa suurtogaliyay in la diiwaangaliyo gudiga masaajidka Towfiiq ee la doortay sanadkii 2018, kaas oo ahaa gudigii la isku heystay, khilaafkana uu ka taagnaa hab doorashadiisa. Waxaana suurtogal noqotay in masaajidku uu maamul cusub yeesho, mudo sanad iyo dheeri ah kadib. Halkan ka akhri

Guruubka sagaalka qof ee dacwada laga gudbiyay, lana xukumay, ayaa iyagana dhankooda racfaan ka qaatay xukunka koowaad ee garsooraha maxkamada khilaafaadka Oslo. Waxeyna gudbisteen dacwad ka dhan ah dacwada koowaad ee laga gudbiyay iyaga, waxeyna sheegeen in xukunka maxkamadu lagu saleeyay cadeymo hal dhinac ah. Iyaga oo racfaankooda ku qoray inay hayaan cadeymo burinaya xukunka koowaad ee maxkamada khilaafaadka Oslo.

Maxkamada khilaafaadka Oslo ayaa ogolaatay racfaanka guruubka sagaalka qof ee la dacweeyay, waxeyna isbuuca danbe dhageysan doontaa garnaqsiga labada guruub ee soomaalida ah ee isku heysta maamulka masaajidka. Labada kooxba waa midba dhankooda matali doono qareeno, iyada oo sidoo kale loo balamiyay turjumaano Af soomaali iyo Norwiiji wax ku kala turjumo.

Khilaafka labada koox ee soomaalida ah ee isku heysta maamulka Towfiiq ayaa hada soo socday mudo gaareyso labo sano, wuxuuna sababay in masaajidka laga istaajiyo dhaqaalihii uu ka heli jiray dowlada oo sanadkii gaarayay ku dhawaad 8 milyan oo kr.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments