Hubka cusub ee danbiilayahaasha: Qufac iyo hindiso booliska lala beegsado.

0
113

Tan iyo markii uu bilowday bandowga ama xanibaada ay dowladaha Woqooyiga Yurub kusoo rogeen dalalkooda, xaalada xanuunka Corona-virus awgiis, waxaa soo badanayo dadka loo xukumayo qufac ama hindiso ay dad kale la beegsadeen.

Dalkan Norway booliska ayaa lacago ganaax ah ku xukumay toboneeyo qof oo loo heysto danbiyo la xiriira qufac ama hindiso ay si ula kac ula beegsadeen dad kale, iyaga oo ku cabsi galinayo ama ugu hanjabayo inay qabaan xanuunka corona-virus. Sidoo kale dalka Sweden ayaa boolisku ay ganaaxyo kala duwan siiyeen dad loo qabtay ulaa 150 dhacdo oo arintan oo kale la xiriirta.

Booliska iyo shaqaalaha goobaha caafimaadka ayaa inta badan ah dhibanayaasha ugu badan ee la kulmo dhacdooyinkan la xiriira qufaca iyo hindisada ay la socoto hanjabaada qaadsiinta xanuunka corona-virus.

Dalka Denmark, nin ayaa ay boolisku ka codsadeen inuu istaajiyo baabuur uu xawaare sare ku waday. Waxeyna ka codsadeen inuu soo dago, balse markii uu soo dagay ayuu ku dul qufacay booliskii, kadibna waxa uu ku noqday baabuurka, isaga oo baxsaday. Booliska ayaa ninkaas ka baafiyay warbaahinta, waxeyna dadweynaha ka codsadeen inay booliska soo wargaliyaan, hadii ay arkaan.

Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, kadibna Subcribe saar(Abonner).

Xigasho/kilde: SverigersRadio.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments