Abdul Ahmed: Qoraaga maqaalkan.

W.Q: Abdul Ahmed, Macalin iskuul, magaalada Bergen.

Xukuumada Norway waxay ku dhawaaqday in dib loo furi doono xannaanooyinka iyo dugsiyada 1aad ilaa 4aad. Arrintan ayaa walaac badan gelisay dadka haysta carruurta yar yar. Iyaga oo su,aalo badan iska weydiinaya waxa ka dhalan kara tallaabooyinka xukuumadu qaaday.

Waxaa su,aalo badan layska weydiiyey sababta keentay in carruurta da´da xanaanada iyo dugsiyada hoose ila fasalka afraad loogu bilaabay, maadaama iyagu yihiin kuwo aan ku wanaagsanayn nadaafada gacmaha mayrida iyo nadaafada guudba. Su,aalahaas iyo kuwo kale ayaa dadku aad isu weydiinayaan. Waxaan sidaas awgeed isku dayi doonaa inaan halkan ku soo gudbiyo qoraal kooban oo aan ugu tala galay inuu wax ka ifiyo su,aalahaas iyo kuwa dugsiyada iyo xanaanooyinka la xiriira.

Sida aan ka warqabno xukuumadu shirkii jaraaíd ee ay qabatay waxay ku soo gudbiyeen 7 qodob oo ay u bixiyeen 7da isbedel, ee dib lagu qaadayo xayiraadihii ay soo rogtay horaantii maarso ee sanadkan. Waxay kale oo shirkaas jaraaíd ku sheegay in xukuumadu doonayso in dhammaan ardaydu dib ugu noqdaan dugsiyada xagaaga ka hor. 7da qodob waxaan ka soo qaadanaynaa 2da aan doonayno inaan halkan ku bidhaamiyo.

Qodobadu waxay noqonayaan marka loo turjumo af-soomaali sidan:

  • 20. Abriil:Inxanaanooyinka la furayo. Dadka u baahan wakhti dheeraad ay sugi karaan ilaa 27. abril
  • 27. Abriil: In Ardayda dugsiga hoose 1-4aad ay dib ugu noqon doonaan iskuulada.  

Mar wax laga weydiiyey wasiirada tacliinta sababta ay u doorteen in dugsiyada loo diro ardayda ugu yar yar. Waxay ku jawaabtay ´´Waa ardayda ugu baahida badan inay iskuulka joogaan, faa,iidada ugu yarna ka hela waxbarshada guriga caafimaad ahaan u roon´´.

Dhinaca kale waxaa jira doodo kale oo xoog badan oo ka soo horjeeda oo leh, weli ma cadda waxa ka dhallan kara tallaabooyinka. Si kastaba ha ahaatee xukuumadu waxay caddaysay inay si tartiib ah oo dhaw loola socon doona hadba xaalku sida uu yahay. Waxay kale oo carabka ku adkeeyen in ayna weli caddayn sida uu noqon doona qaabka wax dhigasho, iyo inay maalin dhan ama todobaad dhammaystiran ardaydu dugsiyada joogi doonaan. Arrimahaas oo dhan waxaa jawaabahooda la ogaan doonaa xeerarka iyo qorshaha xukuumadu ugu tyalo gashay, oo la filayo inay dhawaan soo baxaan.

Maxaa waalidka la gudboon:

Sida laga wada warhayo, xanaanadu maahan qasab. Waalidkii carruurtiisa u baqa, ama haysta carruur xanuuno kale qaba, sida neefta. Wuxuu caruurtiisa ku haysan karaa guriga haddii duruuftu saamaxayso. Iyada oo ay muhiim tahay in wada-shaqayn wanaagsan dhex marayso xanaanada iyo waalidka. Ardayda tagta dugsiyada hoose ee hadda ay ugu horreeyaan 1-4aad ee dugsiyada ku noqonaya, waa qasab inay dugsiyada ku noqdaan marka dib loo furo 27.abriil. Siyaabaha ilmuhu guriga ku joogi karo waxaa ka mid ah:

  • 1- In ilmuhu uu xanuunsan yahay oo aanu aadi karin dugsigana sidaa lagu wargeliyo. Taasi waxay khusaysa maqnaansho muddo gaaban ah. 
  • 2- In dhakhtar caddeeyo in ilmuhu aanu tegi karin dugsiga xaladiisa caafimaad awgeed.
  • 3- In qofku ilmaha guriga ku haysan karo waa inuu awoodo in ilmuhu guriga ku heli karo waxbarasho dabooli karta tii uu dugsiga ka heli jirey. Wixii intaa ka soo hara boos looma hayo waxaan loo yaqaan maqnaansho aan sharci ahayn (ugyldig fravær).

Gabogabo:

Dooda ku saabsan sida loo xakamaynayo ama loola tacaalayo xanuunka uu keeno feyras loo yaqaan COVID-19. Waxayse xukuumadu caddaysay inay si dhaw ula soconayso hadba xaalada iyo in ay qaybaha caafimaad sida (smittevern) oo qaabilsan ka hortaga cudurada faafida cudurada si dhaw ula shaqayn doonaan xanaanooyinka iyo dugsiyada. Qorshaha xukuumada iyo xeerarka ku xeeran dib u furida xanaanooyinka iyo dugsiyada waxaan maqli doonaa wakhti dhaw.

W.Q: Abdul Ahmed, Bergen, Norway. 13.04.2020

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments