Iskuulada Oslo iyo xanaanada oo ay dhici karto inaan la furin 20-ka April.

0
80
Reymond Johnsen Gudoomiyaha degmada Oslo

Iskuulada caruurta ee fasalada 1-aad ilaa 4-aad ee guud ahaan Norway ayaa lagu wadaa in la furo 27-ka bishan April, halka bisha April 20-keeda la furi doono xarumaha xanaanada caruurta(Barnehage).

Balse gudoomiyaha gudiga maamulka magaalada Oslo, Reymond Johnson ayaa maanta sheegay in furitaanka iskuulada Oslo iyo xarumaha xanaanada caruurta ay dhici karto in dib loo dhigo ama ay ka danbeeyeen gobolada kale.

Gudoomiyaha ayaa arintan ku sababeeyay in magaalada Oslo ay kamid tahay meelaha ugu daran ee xanuunka Corona-virus uu ku faafay Norway. Sidaas darteed ay qorsheyn doonaan talaabooyinka ku haboon furitaanka iskuulada iyo goobaha xanaanada, si looga hortago faafitaanka xanuunka.

Sidaas darteedna ay maamulka Oslo, iyagu go´aan ka gaari doonaan xiliga la furi doono iskuulada Oslo, ayna dhici karto inay ka dib dhacdo xili la furi doono iskuulada kale ee wadanka.

Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, kadibna Subcribe saar(Abonner).

Xigasho/kilde: Oslo kan vente med å åpne skoler og barnehager

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments