FHI oo cadaadis badan kadib joojisay inay sheegto, dhalashada qofka xanuunka COVID-19 uu ku dhacay.

0
129
Foto: FHI

Waaxda caafimaadka dadweynaha ee Folkehelseinstituttet(FHI) ayaa warbixinteedii maalinlaha aheyd ee maanta, aan kusoo dirin meesha ay ku dhasheen dadka ajaaniibta ah ee xanuunka COVID-19 qaaday.

Waxaana muuqato in cadaadis badan oo ka yimid dhinacyo badan, haba ugu horeeyeen dhalinyaro soomaali oo FHI qoraalo kala duwan u diray, warbaahintana maqaalo ku qoray ay mirodhal noqdeen. Hadana ay FHI ka saartay qodobkii soo bandhigayay in tiro badan oo soomaali uu xanuunka COVID-19 ku dhacay.

Warbaahinta dalkan Norway ee waaweyn ayaa isbuucii hore si aad ah u hadalheysya in tiro badan oo soomaali ah ay qaadeen xanuunka COVID-19. Tiradii ugu danbeysay ee shaley soo baxday, waxeyn muujisay in xanuunku uu ku dhacay 290 qof oo soomaali. Halka guud ahaan uu ku dhacay 5758 qof.

Qeybo badan oo bulshada soomaalida ah kamid ah ayaa aaminsanaa in tiradaas loo adeegsan karo in lagu faquuqo soomaalida, laguna takoori karo mustaqbalka, hadii ay tiradu sii xoogeysato. Waxaana baraha bulshada iyo goobaha ay soomaalidu isku warsato ka socday doodo xoogan oo arintaas la xiriirta, dadkuna ay fikiro isku dhaafsanayeen qaabka wax looga qaban karo.

Sidoo kale dhalinyaro soomaali ah oo xiriiro kala duwan la sameeyay FHI, una soo bandhigay dareenkooda ku aadan tirada soomaalida iyo qaabka qaldan ee loo adeegsan karo, ayaa baraha bulshada kusoo bandhigayay jawaabaha ay hey´adaas ka heleen. Halkan ka akhri mid kamid ah dhalinyarada la xiriirtay FHI iyo jawaabta uu ka helay.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments